Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Oo Booqasho Iyo Kormeer Ku Tegay Beerta Ciidanku Ku Leeyahay Banka Wajaale + Sawiro

0
1576

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Oo Booqasho Iyo Kormeer Ku Tegay Beerta Ciidanku Ku Leeyahay Banka Wajaale

 

Hargesya-01-08-2019-(MT-JSL)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland  Gaashaanle Sare  Muuse Cilmi Faarax ayaa maanta kormeer ku tegay Beerta Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu ku leeyihiin Banka Wajaale, Taliyuhu markii uu gaadhay beerta  waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey  Taliyaha Aagga Beerta Madaxtooyada  Cumar Axmed Aareeye oo halkaasi  salaam ku siiyey Taliyaha ayaa  ku soo dhaweeyey beerta waxaanu warbixin ku siiyey  qeybaha kala duwan ee Beertu ka kooban tahay.

 

Gaashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka dib markii uu dhegaystay warbixinta Taliyaha waxa uu kormeer ku sameeyey dhammaanba qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Beertu, dalagyada kala duwan ee baxa.

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu  sameeyeen wax wanaagsan oo lagaga daydo, isagoo xusay dalagyada kala duwan ee ay ka beereen beerta iyo tacabka balaadhan ee ay geliyeen, waxaana uu shacabka iyo dadka reer Somaliland ku booriyey in loo baahan yahay in wax la beerto si looga gudbo cuntada dibada ka imanaysa, waxaana uu ciidanka ku hambalyeeyey tacabka saraca ay sameeyeen,  Taliyaha ayaa sidoo kale booqday wakhti ay Ciidanku ku jiraan shaqada beerista iyo gurista dalagii kasoo go’ay beerta, waxaana uu barbarka la qabtay shaqadii ay hayeen Ciidanku.

 

ALLAA MAHAD LEH