Gudoomiyihii Gobolka Togdheer oo Geeriyooday iyo madaxweynaha oo Shacbiga ka tacsiy adeeyey Geeridaa Marxuum Xamse Maxamed Cabdi 

0
726
TACSI MADAXWEYNE: 07/06/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Cabdi Maxamed oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 06/07/2020, dalka dibediisa oo isla maanta loo qaaday dalka Turkiga.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.