This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ka soo saaray Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ka soo saaray Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland   Hargeysa(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED: 24/10/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.   Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-…

Muuse_Biixi_Cabdi

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ka soo saaray Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Hargeysa(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED: 24/10/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 Wareegto Madaxweyne

 

 Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

 Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markaan Tixgeliyey:        Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

 Markaan Dersay:             Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

 Waxaan go’aamiyey;

 In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.