Madaxweyne ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland Oo Tacsi Ugu Tagay Safaaradda Itoobiya Ku Leedahay Somaliland + Sawiro

0
892

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka Oo Tacsi Ugu Tagay Safaaradda Itoobiya Ku Leedahay Somaliland.

 

Hargeysa-11-03-2019-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  maanta tacsi ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.

 

Waxaana ku simaha madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).