Xukumadda Somaliland iyo Xarunta Daraasaadka Taariikhda Islaamka ee IRCICA oo iska kaashanaya dhismaha goobaha Taarikhiga ah ee dalka Somaliland

0
846
WAR-SAXAAFADEED: 25/03/2019
Xukumadda Somaliland iyo Xarunta Daraasaadka Taariikhda Islaamka ee IRCICA oo iska kaashanaya dhismaha goobaha Taarikhiga ah ee dalka Somaliland
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren.
 
Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland.
 
 
Waxaana kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee dalka Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga ah ee Somaliland caanka ku tahay.
 
 
Ugu danbayn agaasimaha Xaruntaasi wuxuu madaxweynaha uga mahadnaqay kulankaasi ay la qaateen, waxaanu ku amaanay Somaliland siday u ilaashatay taariikhda iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalka, isagoo sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland, ka mid tahay wadamada taariikhda islaanku ku duugan tahay, imaantinkooduna daaran yahay sidii qorshahoodu qayb uga noqon lahaa baadigoobka taariikhda Islaamka.
 
 
Waxaana kulankaa ku wehelinaayey Madaxweynaha Wasiirrada wasaaraddaha Diinta iyo aw qaafta, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska & agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah.
 
Dhinaca kalena waxa ku wehelinaayey wakiilka Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo ku xigeenkiisa.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.