Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Komishankii Hore Ee Doorashooyinka Qaranka + Sawiro

0
1002

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Komishankii Hore Ee Doorashooyinka Qaranka

 

Hargeysa-02-12-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagoon ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub ee xilka la wareegay.

 

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishanka hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi qaranka usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka qaranka usoo guteen.

 

Madaxweynaha, ayaa xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, waxana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen.

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xubnaha Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahadnaq ah oo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq