This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Oo Tacsi u diray Ciidamada Dalka, Madaxda-dhaqanka iyo ehelada uu ka baxay Taliyihii Hore ee Ciidamada Booliska iyo Asluubta Marxuum Cabdi Suldaan Muxumed Guray Nuur 

TACSI MADAXWEYNE: 16/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle…

suldaad-cabdi-gurey-small

TACSI MADAXWEYNE: 16/04/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee taliyihii hore ee ciidamada Booliska iyo Asluubta Marxuum Cabdi Suldaan Muxumed Guray Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/04/2020, dalka Maraykanka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey taliye waayo arag ah oo khibrad u leh ciidamada, kaalin weyna ka soo qaatay dhismihii ciidamada, dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Sidoo kalena ka mid ahaa madax-dhaqameedka dalka.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, madaxda dahqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.