This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray shacbiga iyo Ehelada Marxuum Col. Xuseen Cabdi Dubad (Alifdoon) oo ku geeriyooday Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray shacbiga iyo Ehelada Marxuum Col. Xuseen Cabdi Dubad (Alifdoon) oo ku geeriyooday Hargeysa. TACSI MADAXWEYNE: 17/09/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, guddida derejobinta…

242129936_10226897566534445_1747898565256048929_n
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray shacbiga iyo Ehelada Marxuum Col. Xuseen Cabdi Dubad (Alifdoon) oo ku geeriyooday Hargeysa.
TACSI MADAXWEYNE: 17/09/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, guddida derejobinta ciidamada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Kornayl Xuseen Cabdi Dubad (Alifdoon) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 17/09/2021 caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, wakhtigana ka mid ahaa guddida derejooyinka Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo marxuumku ka mid ahaa saraakiishi Ciidamadii Badda ee dawladdii burburtay ee la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL