This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wareegtooyin Madaxweyne Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiyaha gobol Sanaag

Wareegtooyin Madaxweyne: 01/12/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-786/122021 iyo JSL/XM/WM/222-787/122021 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol.   Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-   Wareegto Madaxweyne   UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Cilmi  Xuseen,         Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda…

paper

Wareegtooyin Madaxweyne: 01/12/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-786/122021 iyo JSL/XM/WM/222-787/122021 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cilmi  Xuseen,

        Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

 

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:              Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:              Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

 

Waxaan Go’aansaday;

 

In Axmed Cabdi Muuse Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland