Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan degdeg ah isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka, rugta ganacsiga iyo Guddida Maaraynta Masiibadii dabka Waaheen

0
481

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan degdeg ah isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka, rugta ganacsiga iyo Guddida  Maaraynta Masiibadii dabka Waaheen.

Hargeysa:02/02/2022(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ayaa kulan degdeg isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka, rugta ganacsiga iyo xubnaha guddida heer qaran ee loo igmaday masiibada dabkii baaxadda lahaa ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray ay ganacsatadu gacan uga geysan lahaayeen taakulaynta dhibaatada ka dhalatay dabkii baabi’iyey suuqa weyn ee Waaheen.