This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo magacabay Masuul Cusub 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo magacabay Masuul Cusub WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-892/062022 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda…

290920205_698942978464720_4272954670702456565_n
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo magacabay Masuul Cusub
WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-892/062022 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Siciid Xasan Habbane laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.