TACSI MADAXWEYNE:04/10/2018
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Cabdi Ismaaciil oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2018, Sucuudiga. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa Siyaasi Cismaan Cabdi Ismaaciil (Awr-liqe) oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadkaba door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loo soo maray dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.