This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan Casho Sharaf Ah ku Maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi Oo Ka Mida Culimada Ugu Waa-weyn Caalamul Islaami

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan Casho Sharaf Ah ku Maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi Oo Ka Mida Culimada Ugu Waa-weyn Caalamul Islaami. Hargeysa-09-03-2023-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi oo kamida culimada ugu waawayn caalamul Islaami, islamarkaana ahaa gudoomiyaha…

2

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan Casho Sharaf Ah ku Maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi Oo Ka Mida Culimada Ugu Waa-weyn Caalamul Islaami.

Hargeysa-09-03-2023-(MT-JSL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi oo kamida culimada ugu waawayn caalamul Islaami, islamarkaana ahaa gudoomiyaha guddida hubinta kitaabka Qur’aanka kariimka.

Dhinaciisa Dr Sheekh Ahmed Essa Al-misraawi ayaa shahaadada PHD-da ku sharfay kuna maamuusay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne ku xigeenka Qaranka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Waxaanu Sheekhu u mahadnaqay Madaxwayne ku xigeenka oo kulankaa ku casuumay.
.
Waxaana Kulanka kala soo qayb-galay madaxweyne ku xigeenka Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, xubno ka mida golaha wasiirrada iyo qaar ka mida culimada dalka.


Wa-bilaahi Tawfiiq