Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Qalinjebinta 600 oo Arday oo ka Aflaxay Jaamacadda Burco

0
43

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Qalinjebinta 600 oo Arday oo ka Aflaxay Jaamacadda Burco

Burco-17-08-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loogu fooladaynayey 600 (Lix Boqol) oo arday ka qalinjebiyey jaamacadda Burco.

 

Munaasibad ballaadhan oo ay ardaydani ku qalinjebinayeen waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda Jaamacadda Burco, Ardayda maanta qalijebinaysay, waalidiintooda, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

 

Ugu horrayn waxa munaasibadda ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda Burco, Prof. Cumar Cismaan Xiis, ayaa ku dheeraaday dedaalkii dheeraa ay ardaydani sameeyeen iyo juhdigii ay ka jaamacad ahaan geliyeen muddadii ay waxbarashada jaamacadda Wadeen, waxana uu hambalyo iyo bogaadinba u diray macallimiintii iyo waalidiintii ardayda tacabka badan soo geliyey.

 

Mustafe Maxamed oo ku hadlay Afka Waalidiinta ubadkooda maanta qalinjebiyeen, ayaa dhankiisa  sharraxay duruufihii ay waalid ahaan kala soo dabbaasheen dhallinyarada maanta qalinjebisay iyo dedaalkii ay geliyeen inay ardaydaasi maanta gaadho yoolkii ay lahaayeen.

 

Maayarka degmada Burco, Mudane Maxamed Xirsi Axmed iyo badhasaabka gobolka Togdheer, Mudane Jaamac Cabdilaahi Biin, ayaa iyaguna si wada jir ah u bogaadiyey ardayda maanta ka qalinjebisay jaamacadda Burco, iyaga oo kula dardaarmay inay waxbarashada sii wadaan.

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Xannaanada Xoolaha, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo Waxbarashada iyo tacliinta sare, Dr. Axmed Aadan Buuxane oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhankooda guul weyn ku tilmaamay in tiro intaas le’egi ay maanta ka qalinjebiso jaamacadda Burco, iyaga oo xusay inay ka xukuumad ahaan xil weyn iska saareen sidii ay ardaydaasi si habsami leh waxbarashadooda ugu dhammaysan lahaayeen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa u hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay, macallimiintooda iyo ardaydaba, waxana uu usoo jeediyey inay dedaalkooda sii laban laabaan.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siisay waxbarashada, islamarkaana ay ku dedaashay Tayada waxbarashada si weyn kor loogu qaado.

 

Lixda boqol ee Arday ee maanta ka qalinjebiyey jaamacadda Burco, ayaa isugu jira 360 Wiil iyo 240 Hablood oo ka qalinjebiyey kulliyadaha kala duwan ee ay jaamacaddu ka kooban tahay.