Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Madaxweynaha Loo Doortay Qaranka Somaliland.
Hargeysa–23–11–2024–(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada kulan salaam iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Kulankan waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.