Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa uu maanta ka qeyb galay munaasibad ballaadhan oo ay soo diyaariyeen Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka oo lagu qabtay Hotel Ambassador taasoo Saddexda Xisbi Qaran lagu gudoonsiinayey Liisamada ay xaqqa u yeesheen Axsaabta Qaranku (WADDANI, KAAH IYO KULMIYE) tobanka sanno ee soo socda oo ka bilaabmaya 01.01.2025 kuna eeg 01.01.2034.
Madaxweynuhu waxa uu munaasibada ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan oo taabanaysa dhinacyo badan, waxaana uu ugu horayn boggaadiyey Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka shaqada culus iyo dedaalka weyn ee ay sidii uu u guulaysan lahaa hannaanka sharciga ah ee ay kusoo baxayeen ururadii siyaasada ee xaqqa u yeeshay inay tartamaan,
Sidoo kale wuxuu boggaadiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Saddexda Xisbi Qaran, Daneeyayaasha Hannaanka Dimuqraadiyada ee inagala shaqeeyey in dalkeena ay ka qabsoomaan doorashooyin macno iyo miisaan u yeelay hannaankeena dimuqraadiyad.
Madaxweynuhu wuxuu yidhi: “Hannaanka doorashooyinkeenu waxa ay muujinaysaa ilbaxnimadeena awoodda dimuqraadiyada qarankeena, iyo kalsoonida aan ku qabno horusocodka nidaamkeena siyaasiga ah”.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu yidhi “Dimuqraadiyadu kuma koobna doorashooyinka oo keliya laakiin waxaa kamida Cadaaladda iyo garsoor wanaaga, dhawrista xorriyadaha madaniga ah, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, xasiloonida siyaasiga ah, adkaynta midnimada iyo amniga qaranka, kuwaas oo dhammaantood ay xukuumadani muhiimad gaar ah siinayso”.
Madaxweynaha oo sii anba qaadaya hadalkiisa waxa uu yidhi “Waxaa Xukuumada Somaliland ka go’an in aan dhisno dawladnimo damaanad qaadaysa in muwaadin kasta uu helo xuquuqdiisa siyaasiga ah, si taasi u hirgashana waxaanu dejinaynaa siyaasadiyihii lagu arrimaha”.
Ugu horayn waxaa munaasibada hadal dheer ku furay Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka Mudane Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) oo ka xogg waramay hawlaha baaxadda leh ee ay guddidu qaranka uga masuul tahay iyo qorysheyaasha u dejisan guddida ee lagu horrumarinaayo hannaanka dimuqraadiyada iyo tartaka axsaabta badan, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guddidu u xil-saaran tahay :
- Diwaan gelinta ururada siyaasada
- Ansixinta asxaabta qaranka
- Xalinta khilaafaadka iyo ka garnaqista cabashooyinka
- Saamiga haweenka iyo ilaalinta dimuqraadiyada gudaha ee axsaabta iyo ururada siyaaasada
- Samaynta qorshaha Istiraajiyadeed ee 2023 ilaa 2027
- Dib u habaynta qaab-dhismeedka guddida
- Currinta Xeer hoosaadyada iyo haggayaasha guddida
- Barashada dimuqraadiyada iyo nidaamka axsaabta badan
- Ageegsiga Tignoolojiyadda ee keydinta xogaha iyo wadaagistooda.
Munaasibada waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenadii hore Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Mudane Cabdiraxmaaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Sidoo kale waxaa iyaguna goob kahaa masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiyada Qaranka oo ay hoggaaminayeen saddexda guddoomiye xisbi (Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Mudane Maxamed Kaahin Axmed)
Waxaa isaguna goob joog ahaa Lataliyaha sare ee Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo yidhi “Gobanimadu waxay tahay in ummadi wixii ay dhigatay ay ku dhaqanto go’aanka kasoo baxana ay aqbasho”
Waxaa isaguan munaasibada ka hadlay Guddoomiyaha dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo yidhi “Maanta waa maalin kale oo taariikhiya, waxaa aynu si rasmiya ugu wanqalaynaa Saddexda Xisbi Qaran ee jaan goynaya siyaasada Somaliland Toban sanno ee socda, xisiyada siyaasadu waa madal lagu sargooyo siyaasadaha qaranka iyo dugsi lagu soo carbiyo siyaasiyiinta”.
Guntii iyo gebagebadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu munaasibada iyada ah ku guddoonsiiyey Saddexda Gudoomiye Xisbi Qaran Liisamada ay xaqqa u yeesheen axsaabta qaranku Tobanka sanno ee soo socda.