This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo magacaabay Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan.

WAREEGTO MADAXWEYNE    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 12/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-028/012025 uu ku magacaabay Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan.   Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan;-   Wareegto Madaxweyene   Markii aan arkay:  Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;  …

Taiwan

WAREEGTO MADAXWEYNE 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 12/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-028/012025 uu ku magacaabay Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan;-

 

Wareegto Madaxweyene

 

Markii aan arkay:  Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markii aan arkay:  Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba;

 

Markii aan ku qancay:   In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

 

Markii aan sameeyey:          La-tashi;

 

Waxa aan go’aamiyey;

 

In Maxamuud Aadan Jaamac Galaal laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan.

 

ALLAA MAHAD LEH

                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                        

 ________________ 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland