This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo magacaabay Masuuliyiinta Baanka Dhexe.

Wareegto Madaxweyne    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-035 /012025 uu ku magacaabay Masuuliyiinta Baanka Dhexe.   Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-   Wareegto Madaxweyne    Magacaabid    Markii aan arkay:        Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;…

Bankiga dhexe 2

Wareegto Madaxweyne 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-035 /012025 uu ku magacaabay Masuuliyiinta Baanka Dhexe.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne 

 

Magacaabid 

 

Markii aan arkay:        Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markii aan tixgeliyey: Xeerka Baanka Dhexe ee Xeer Lr 54/2012;

 

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay Horumarka iyo koboca dhaqaalaha ee dalka;

Markii aan arkay:        Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

 

Markii aan ku qancay:          In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

 

Markii aan sameeyey:           La-tashi;

 

Waxa aan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta;

 

  1. In Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Xamse Cabdiraxmaan Kheyre Coofle uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Yaasiin Jaamac Axmed Shide (Calase) uu ahaado Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Allaa Mahad Leh

                                        

_______________________________________

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.