This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyadeeyey Madaxweynaha Jabuuti iyo Qoyska Reer Xayd geerida ku timid Marxuum Almis Maxamuud Xayd

TACSI MADAXWEYNE: 05/05/2019 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Almis Maxamuud Xayd oo…

Tacsi

TACSI MADAXWEYNE: 05/05/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Almis Maxamuud Xayd oo ku geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo qoyska reer Maxamuud Xayd.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.