Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Booqday Dadkii Dhaawacyadu Kasoo Gaadheen Rabshadihii Dhawaan Ka Dhacay Hargeysa Stadium + Sawiro

0
554

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Booqday Dadkii Dhaawacyadu Kasoo Gaadheen Rabshadihii Dhawaan Ka Dhacay Hargeysa Stadium.

 

Hargeysa-24-11-2020-(MT-JSL)-Masuuliyiin xukuumadda katirsan oo ay xubno ka yihiin Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, wasiirka wasaaradda Horumarinta maaliyadda, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Maxamed Cabdi Xergeeye, badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Mudane Khadar Baaruud, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mudane Axmed Yoonis Aadan (Juxa)   iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan, ayaa maanta booqday qaar kamid ah dadkii waxyeelladu kasoo gaadhay rabshadihii dhawaan ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium oo lagu daaweynayo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

 

Xubnahan xukuumadda katirsan, ayaa saaka mid mid u booqday shaqsiyaadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay shaqaaqadaas oo lagu dabiibayo Cusbtaalka guud ee Hargeysa, waxana ay indhahooda ku arkeen dedaalka ay hawl-wadeennada Cusbitaalku ugu jiraan badbaadinta muwaadiniintaas waxyeellada kala duwani soo gaadhay.

 

Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka, kuwa cusbitaalka iyo dhakhaatiirta dhibbanayaasha gacanta ku haysaba ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan badbaadinta dadkooda waxyeelladu gaadhay oo intoodii ugu badnayd ay dhaawacyadii ka bogsadeen, kana baxeen cusbitaalka.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa sharraxay xaaladda  dadka dhaawacyadu kasoo gaadheen shaqaaqadii dhawaan ka dhacay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium iyo adeegyada  loo qabtay intooda weli cusbitaalka ku jirta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxanu eegnay dhaawacyadii ka dhashay rabshaddii ka dhashay maalintii kubbadda la ciyaareyey, tiro ahaan intii cusbitaalka la keenay waxay ahaayeen 24-qof, marka Afar qof oo isla habeenkiiba loo sameeyey qalliino guulaystay intii kaleba waa laga saaray Cusbitaalka, dhammaanna waxa loo fidiyey adeeg dhaqso ah oo hufan.”

 

Sidoo kale, waxa ay xubnahan masuuiliyiinta ahi kormeer ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu kordhiyey waadhadh iyo dhismeyaal casri ah, kuwaas oo lagu qalabeeyey agab casri ah oo loogu talo galay bukaannada goobahaas la dhigayo.

Wa-bilaahi Tawfiiq