Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL Oo Kala Wareegay Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Dhismaha  Xarunta Madaxtooyada Cusub Oo Ay Gacanta Ku hayeen + Sawiro

0
1194

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL Oo Kala Wareegay Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Dhismaha  Xarunta Madaxtooyada Cusub Oo Ay Gacanta Ku hayeen.

 

Hargeysa-08-04-2019-(MT-JSL)-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa maanta kala wareegay taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, dhismaha xarunta cusub ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay gacanta ku hayeen muddo ciidamada qaranka Somaliland.

 

Dhismahan uu la wareegay agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Mudane Bile ayaa ah mid ka kooban afar kiiloomiter (4km) oo isku wareeg ah, laguna wareejiyey dayr ay dhismihiisa ay gacanta ku hayeen ciidamada qaranku, markii ay dhameeyeena ay ku soo wareejiyeen taliyaha ciidanka qaranka oo isaguna ku wareejiyey agaasimaha guud ee madaxtooyada.

 

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “munaasibadan aan hadda joogno waxa aanu jecelnahay in aanu ku wareejino agaasimaha guud ee madaxtooyada dhismihii madaxtooyada oo aanu annagu markaa dhisaynay, maantana naga dhammaad ah, in aanu ku wareejino ayaanu maanta halkan u nimid, waxa agaasime noo sharaf ah in dhismahan aanu annagu xoog saarnay kuna faanayno dhismaha qaranka ee mustaqbalka in aanu qayb ka qaadanay, waxaanan kaa rajaynayaa in aad igala wareegto dhsimahan wixii dhimana aad adigu dhamaystirto”.

 

Ugu danbayntiisa waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile waxaanu yidhi “maanta farxad ayey noo tahay in aanu taaganahay meel muddo yar ka hor markii la qorshaynaayey ee la taagnaa aan la filayn inay sidan noqonayso waa afar kiiloomiter (4km) hadaad lug ku soo wareegto, maalintii la qorshaynayey hadal badan ayaa iska jiray, balse maanta hanti qaranku leeyahay oo dhul ah waa hantida ugu weyn ee meel taalla marka laga reebo xeryaha ciidanka, waa hantida intaa leeg oo waxwalba ka dhismayaan, haday tahay madaxtooyo ama xafiisyo dawladeed, manay suurto gasheen hadaan ciidanka qaranku gacanta ku hayn, waanan idinka mahadnaqayaa dedaalkaa iyo kartidaa”.

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.