Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL Oo Kormeeray Shaqada iyo Dayac-tirka Lagu Waddo Gurigii Lagaga Dhawaaqay Somaliland

0
346

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL Oo Kormeeray Shaqada iyo Dayac-tirka Lagu Waddo Gurigii Lagaga Dhawaaqay Somaliland

Burco-05-09-2022-(MT-JSL)-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile oo safar shaqo ku jooga qaar kamida Gobolada Bariga Somaliland  ayaa  saaka kormeer ku sameeyey  Gurigii lagaga dhawaaqay Somaliland 18-kii May 1991-kii,  oo ay hadda ay ka socoto dayactir iyo dibu-dhis balaadhan ay ku samaynayso   Madaxtooyada Jamhuuryadda Somaliland, waxaana kormeerka shaqo Agaasimaha ku wehelinaayey Maayirka Degmada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero)

 

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Runtii goobtan lagaga dhawaaqay Somaliland waa Meesha ay Somaliland ku abtirsato, Somaliland goobtii lagaga dhawaaqay 18 May 1991-kii goobtanay ahayd waana halka qofku ku amaaradsanayo gobanimadiisa,dadnimadiisa iyo dawladdnimadiisa, Madaxweynuhuna wuxuu gartay in meeshii dayaca laga biiyo oo lasoo xeero”.

Wa-bilaahi Tawfiiq