Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Oo Kulan La Qaatay Dr. Jorge DeTorres-Rodriguez Iyo Hawlwadeenada waaxda “Archeology”-ga + Sawiro

0
645

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Oo Kulan La Qaatay Dr. Jorge DeTorres-Rodriguez Iyo Hawlwadeenada waaxda “Archeology”-ga.

 

 

Hargeysa-19-01-2020-(MJSL)-Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Bille ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay Dr. Jorge DeTorres-Rodriguez iyo hawlwadeenada waaxda “Archeology”-ga ee Wasaaradda Horumarinta Ganacsiga, wershedaha iyo Dalkiisa Somaliland.

 

 

Kulankaasi oo ku saabsanaa qaabkii la iskugu xidhi lahaa qaybaha la shaqeeya Taariikhda iyo arrimaha hiddaha iyo Hoyga Taariikhda Qaranka ee hadda dhismihiisu socdo.

 

 

Waxaanay labada dhinac isla meel dhigeen is afgarad iyo inay ka wadashaqeeyaan ururinta Taariikhda iyo Hidaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wabilaahi Tawfiiq