Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Oo Qaabiley Wefdi Talyaani ah Oo Uu Hoggaaminayo Guglielmo Giordano + Sawiro

0
580

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Oo Qaabiley Wefdi Talyaani ah Oo Uu Hoggaaminayo Guglielmo Giordano

 

Hargeysa-28-11-2019-(MT-JSL)-Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Jmahuuriyadda Somaliland, mundane Maxamed Cali Bile ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guglielmo Giordano, madax Hay’adda Dalka Talyaaniga u qaabilsan Iskaashiga iyo Horumarka (Italian Agency for Development Cooperation)

 

Wafdiga oo u socda hawlo la xidhiidhka mashaariicda caafimaadka ee ay dalka Talyaanigu maalgeliyaan ayaa ka warbixiyey safarkooda iyo mashaariicda caafimaadka dhimirka iyo caruurta ee ay taageeraan.

 

Agaasimaha Guud ayaa wafdiga ku dhiirigeliyey in dalka Talyaanigu ay kordhiyaan taageerada ay ka geystaan Somaaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka carruurta.

 

Waxa dhinaca Wasaaradda Caafimaadka shirka ka soo qayb-galay oo goob-joog ka ahaa Dr. Axmed Saleebaan Jaamac (Shiine) iyo Dr. Maxamed Raabbi.