Bilowga Mashaariicda JPLG-da ee Sannadka Cusub oo Maanta La Kala Saxeexday + Sawiro

0
504

Bilowga Mashaariicda JPLG-da ee Sannadka Cusub oo Maanta La Kala Saxeexday

Hargeysa-06-01-2020-(MT-JSL)-Xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland waxa maanta lagu kala saxeexday heshiiska mashaariicda maamul-daadejinta JPLG-da ee waxbarashada iyo caafimaadka ugu jira degmooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley, Burco iyo Saylac oo sannadkan kusoo biirtay.

Kulanka lagu kala saxeexanayey bilowga hirgelinta mashaariicda maamul-daadejinta adeegyada Aas-aasiga ah ee waxbarashada iyo caafimaadka, ayaa waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana kala saxeexday wasiirrada Horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada Sayniska iyo maayarrada lixda magaalo ee mashaariicda adeegyada Aas-aasiga ah lagu daadejinayo ka masuulka ah.


Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday tallaabada lagu daadejinayo Adeegyada bulshada Aas-aasiga u ah iyo sida ay bulshadu uga faa’iidi doonto, waxana uu madaxda degmooyinka laga fulinayo ku adkeeyey inay dedaal iyo waqtiba geliyaan sidii ay mashaariicdaasi u guulaysan lahaayeen.


Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna dhinaciisa shaaciyey inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta mashruucan maamulka lagu daadejinayo, islamarkaana ay kormeer iyo dabogal joogto ah ku samayn doonaan.


Mashaariicda maanta la kala saxeexday, ayaa ah qaar Lagu daadejinayo adeegyada Aas-aasiga ah, si dadweynaha loogu dhaweeyo adeegyada muhiimka, kaas oo hore uga socday degmooyin kooban, balse haatan ay kusoo biirtay degmada Saylac oo noqonaysa degmadii lixaad ee mashruucan laga fulin doono.