Dhalinyaradii Shaqo Qaran Oo Maanta U Fadhiistay Imtixaanka Shaqada Ee Shirkada Sifaynta Saliida Ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES) + SAWIRO

0
742

Dhalinyaradii Shaqo Qaran Oo Maanta U Fadhiistay Imtixaanka Shaqada Ee Shirkada Sifaynta Saliida Ee Singapore New Silk Energy Somaliland (SNSES)

 

Hargeysa-30-07-2019-(MT-JSL)-In ka badan 900  arday oo kamida Cududii Shaqo Qaran ayaa saaka u fadhiisatay  Imtixaanka  shaqo ee Shirkada  safaynta Saliida  ee Singapore New Silk Energy Somaliland  (SNSES) oo dhawaan laga dhagax dhigay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

 

Agaasimaha guud ee Shaqo qaran   Maxamed Xuseen Cismaan oo ugu horayntii ardaydaasi la hadlay ayaa u sheegay nidaamka Imtixaanka loo gelaayo isagoo xusay inay shuruudaha Imtixaanka ka mid tahay inuu qofku sito aqoonsigiigii Shaqo qaran islamarkaana uu soo socsaday Imtixaanka, waxaana uu xusay in Imtixaanka loo gelo doono si cadaaladd ah.

 

Agaasimaha Shaqo Qaran Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Waxaan joognaa xaruntii Jaamacada Hargeysa oo maanta uu ka socdo Imtixaankii Shirkada Singapore New Silk Energy Somaliland  (SNSES), imtixaankaa oo lagu tartamayo (300) Saddex boqol oo jago oo ay qaadanayaan shirkadaasi , Imtixaanka waxa u fadhiistay maanta tiro shaqo qaran kamida oo gaadhaya (980) Sagaal boqol iyo siddeetan xubnood waxaa kasoo bixi doona Saddex boqol ee ugu derejada sareeya” .

 

Agasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu Imtixaanku u qeyb san yahay laba qeybood “Imtixaanku waa laba qeybood mid waa imtixaan qoraal ah  oo hadda ay u fadhiyaan, waxaa ku xiga Imtixaanka ah (Interview) waraysi  fool ka fool dhalinyarada mid mid loola kulmayo, labadaa imtixaan inta ugu wanaagsanaata ayey shirkadu qaadan doonta si fiican bay u socotaa ilaa hadda”.

 

Ugu danbayntii Agaasimaha Shaqo qaran waxa uu sheegay inay nasiib wacan u rajaynayaan dhalinyaradaasi “Waxaan u mahad naqaynaa Shirkada Jayniiska ah ee fursada siisay dhalinyaradu inay u tartamaan oo qalinkooda adeegsadaan iyo aqoontooda ku kala baxaan,  dhalinyaradaa inta guulaysata waxaa loo tababari doonaa  inay ka shaqeeyaan warshada saliida sifaynaysa ee dhismaheedu ka socdo magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, waxaan u rajaynaynaa nasiib wacan dhalinyaradaas”

Wa-bilaahi tawfiiq