Fadhigii 101aad Ee Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka + Sawiro

0
339
Fadhigii 101aad Ee Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka.
 
War-Saxaafadeed-27-10-2022-(MT-JSL)-Fadhigii 101aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa maanta la hor keenay Miisaaniyad sannadeedka 2023-ga oo ay dood iyo falanqayn dheer ka dib ku ansixyeen goluhu miisaaniyadaasi.
 
 
Miisaaniyad-sannadeedka 2023-ga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,581,440,706,340, (Saddex Tiriliyan, shan boqol iyo kow iyo sideetan Bilyan, afar boqol iyo aftan milyan, todoba boqol iyo lixdan kun iyo saddex boqol iyo afartan shilin. Waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 4% (Boqolkiiba afar).
 
Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2023-ku waxay u kala korodhay sidan:-
 
• Miisaaniyadda guud ee dawladda
• Miisaaniyadda Dawladda dhexe
• Miisaaniyadda dawladaha hoose
• Hay’addaha Madaxa Bannaan
• Mashaariicda Dibeda
 
Waxay korodhay ama ka badna tahay tii hore 4% sannadkan, halka misaaniyada dawladda dhexe ay korodhay 5% marka loo eego misaaniyadii hore.
 
Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:
 
1. Amniga
2. Doorashooyinka
3. Wax-soo saarka beeraha
4. Biyaha
5. Kalluunka
6. Ilaalinta deegaanka
7. Ictiraafka
8. Dugsiyada Farsamada gacanta iyo
9. Barnaamijka Shaqo Qaran
 
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo dul istaagay golahana u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad ayuu wasiirku sheegay inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyadoo Madaxweynaha Qaranka iyo xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2023-ka.
 
 
Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2023-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 32 wasiir oo dhammaantood u codeeyey, mana jirto cid ka maamustay iyo cid diidaytoona.
Ugu danbayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Biixi Cabdi ayaa ansixinta ka dib waxa uu sheegay in waxwalba loo huro qabsoomida doorashooyinka inagu soo fool leh, shacbiga Somalilandna waxa uu kula dar-daarmay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaasi, qof walibana codkiisa cida uu doonayo uu siiyo, si walaaltinimo leh oo aan colaad lahayn.
ALLAA MAHAD LEH
 
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.