Go’aammo Dhaxalgal  Ah Oo Kasoo Baxay Shir Aan Caadi Ahayn Oo Ay Yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

0
45

Go’aammo Dhaxalgal  Ah Oo Kasoo Baxay Shir Aan Caadi Ahayn Oo Ay Yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay yeesheen maanta oo ay taariikhdu tahay 03/01/2024 oo uu Shir-guddoominayey ku simaha Madaxweynaha Qaranka, ahna Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Go’aanka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo u dhigan sidan:-

 

 

Markuu Arkay:     Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobkiisa 1aad Farqadiisa 1aad oo u dhigan Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26-kii June 1960-kii gobannimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska, Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaaliya 1-dii July 1960-kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic), kulana soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii shirkii beelaha Somaliland ee Burco 27-kii April ilaa 15 May 1991-kii, waxa uu halkan ku noqday sida waafaqsan Dastuurka, dal madax-bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qarannimadiisa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.

 

Markuu Arkay:        Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, farqadiisa 3aad, kaasi oo dhigaya in Xukuumaddu ay awood u leedahay in ay gacanta ku hayso hanti-guurto ama ma-guurto ah, in ay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

 

Markuu Arkay:    Faa’iidooyinka ugu jira Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka mid yihiin aqoonsi caalami ah oo aynu helno kaas oo aynu raadinaynay muddo 32 sanno ah, faa’iidooyin dhaqaale, ganacsi iyo amni.

 

Go’aan Golle wasiir;

 

  1. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si buuxda u taageersan yahay, una soo dhaweynayaa Heshiiska Is-afgarad (Memorandum of Understanding) ee 01/01/2024 ku dhex maray Dalka Ethiopia gaar ahaan magaaladda Addis Ababa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia Abiy Ahmed Ali, heshiiskaasi oo ah guul taariikhi ah oo u soo hooyatay labada Dal.

 

  1. Golaha Wasiirrada JSL wuxu u mahad-celinayaa Dawladda Federal-ka Ethiopia oo noqonaysa dalkii u horeeyey ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, shacabka JSL.

 

  1. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada caalamka u cadaynayaa in jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannaan, sidoo kale ay maamusho dhulkeeda, baddeeda iyo Cirkaba, heshiisyana ula geli karto cidkasta oo ay u aragto danta qaranka, si waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, farqadiisa 3aad iyo Shuruucda Caalamiga ah.

 

  1. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u cambaaraynayaa hadallada iyo dhawaaqyada ka soo baxaya Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo ku saabsan heshiiska Is-afqarad ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federal-ka Ethiopia, waxaanu goluhu si adag ugu sheegayaa Dawladda Soomaaliya in ay ka waantowdo, ficiladdaas oo aanu u aragno inay waxyeelo ku tahay nabad-gelyada geeska Afrika.

 

  1. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxay bulshada caalamka u cadaynayaan in dhawaaqyada ka imanaya Soomaaliya uu ka soo hor jeedo dhammaan heshiisyadii ay hore u gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya ee la xidhiidhay Wada-hadaladii kala ahaa: Ankara April 2012, London June 2012, Ankara April 2013, Istanbul July 2013, Istanbul January 2014, Jabuuti December 2014, Istanbul March 2015, Ankara April 2016, Jabuuti June 2020 iyo Jabuuti December 2023. Kuwaas oo dhammaantood dhigayey in aan la carqaladayn heshiisyada, maalgashiga, horumarka dhaqaale iyo deeqaha caalamiga ah.

 

  1. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku-dayda in ay carqaladaynayso ama ka hortimaada Heshiiska Is-afgarad dhex-maray dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federal-ka Ethiopia 01/01/2024, cidii isku dayda inay heshiiskaa carqaladayso waxa aanu ka qaadi doonaa talaabooyin ku haboon.

 

  1. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladaha caalamka ugu baaqayaa in ay ku dhiirradaan oo ay Aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, si la mid ah sida ay yeeshay Jamhuuriyadda Federal-ka Ethiopia, aqoonsigaas caalamiga ah ee ay Somaliland ka heshayna waxa uu golaha wasiirradu u arkaa inay guud ahaan Afrika iyo geeska Afrika ba ay ugu jirto dan weyn mid istaraatiijiyadeed iyo mid nabadgelyoba.

 

 

  1. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu dambayntii shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadinayaa sida ay u soo dhaweeyeen Heshiiska Is-afgarad ee ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, waxaanu goluhu ugu baaqayaa in shacabku dhan uga soo wada-jeestaan cid kasta oo wax u dhimaysa horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, kana feejignaadaan hadallada ka soo yeedhaya dawladda Soomaaliya iyo cid kasta oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland.