Guddida Gurmadka Abaaraha heer qaran oo la Kulmay madaxda dalladda SONSAF iyo qaar kamid ah warbaahinta madaxa bannaan

0
414

Guddida Gurmadka Abaaraha heer qaran oo la Kulmay madaxda dalladda SONSAF iyo qaar kamid ah warbaahinta madaxa bannaan

 

Hargeysa-01-02-2022-(MT-JSL)-Guddida gurmadka abaaraha heer qaran oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta kulan la yeeshay  madax ka socotay dallada ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo qaar kamid ah hoggaanka warbaahinta madaxa bannaan iyo midda dawliga ah.

 

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii ay guddida gurmadka abaaraha iyo ururrada aan dawliga ahayni isaga xogwaraysan lahaayeen heerka abaarta iyo dedaalka ay guddidu illaa haatan ka samaysay sidii loogu gurman lahaa deegaannada abaartu saamaysay, loona samayn lahaa qorshe cad oo loo raaco tallaabo kasta oo gurmad ah, ayaa kusoo dhammaaday jawi wada-shaqayneed iyo isfaham labada dhinac ah.

 

Ugu horrayn qaar kamid ah xubnaha guddida abaaraha heer qaran oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay guddi ahaan qiimeeyeen heerka ay abaartu gaadhsiisan tahay, islamarkaana ay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ururradaba looga baahan yahay inay guddida kala shaqeeyaan sidii dadka iyo duunyada tabaalaysan loogu gurman lahaa, warbaahintuna ay qaybteeda u qaadan lahayd.

 

Xubno ku hadlay magaca dallada SONSAF iyo warbaahinta madaxa bannaan, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay inay diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan gurmadka dadkooda loo samaynayo, iyaga oo warbaahintuna caddeeyey inay diyaarinayaan warbiximo si cad usoo bandhigay baaxadda abaarta.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay xubnihii kulanka ku sugnaa, kuwaas oo muujiyey waddaniyad iyo lexejeclo ay u qabaan dadkooda abaaruhu ku habsadeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq