Guddida Gurmadka Abaaraha Oo Kulan La Qaatay Saraakiil La Socota Hay’adda UN OCHA + Sawiro

0
394

Guddida Gurmadka Abaaraha Oo Kulan La Qaatay Saraakiil La Socota Hay’adda UN OCHA

 

Hargeysa-17-01-2021-(MT-JSL)-Guddida heer qaran ee gurmadka ee gurmadka abaaraha oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  maanta kulan gaar ah la qaatay madax ka socotay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA.

 

Kulankan oo hordhac u ah kulan ballaadhan oo ay Toddobaadka soo socda guddida gurmadka abaaruhu la yeelan doonaan dhammaanba madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka hawlgala, ayaa la iskaga xogwaraystay sidii qorshe nidaamsan loogu samayn lahaa hawlaha gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ku tabaaloobay araaha ka jira Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq