Guddida Heer Qaran Ee Suuqa Waaheen Oo U Soo Bandhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Nashqada Cusub Ee Suuqa Waaheen

0
474

Guddida Heer Qaran Ee Suuqa Waaheen Oo U Soo Bandhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Nashqada Cusub Ee Suuqa Waaheen.

Hargeysa-21-06-2022-MT-JSL()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta warbiximo ka dhegeystay guddida heer qaran ee suuqa waaheen oo ay wehelinayaan Farsamayaqaanada dhismaha suuqa waaheen iyo shirkada ku guulaysatay dhismaha suuqaasi.

 

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida heer qaran ee suuqa waaheen, ahna wasiirka diinta iyo aw-qaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Jamaal Caydiid Ibraahim, Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, gudoomiyaha guddi hoosaadka Ganacsatada, Dr. Farxaan Liiban, Guddoomiyaha guddida Farsamada dhismaha suuqa waaheen, Arch. Maxamud Cabdi Cilmi (Geedi) iyo laba farsamo-yaqaan oo ku hadlayey afka shirkada ku guulaysatay oo la yidhaahdo MURTADA MAAZ/SEMA COMPANY lagana leeyahay dalka Suudaan, Eng. Maxamud  Maxamed Cismaan iyo Eng. Mohamed Hassan Khalifa oo iyagu si gaara u xusay masuuliyadda culus ee fuushay iyo waxa laga rabo inay siday tahay uga soo baxaan, halka masuuliyiinta kale ay iyaguna iska daba mareen muhiimada dib u dhiska suuqa waaheen u leeyahay dalka iyo dadka loona heli lahaa shirkad caalamiya oo ka soo bixi karta dhismahaasi, halkaasina ay ku soo bandhigeen nashqada cusub ee uu yeelan doono suuqaasi.

 

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxa looga fadhiyo guddida heer qaran iyo shirkada ku guulaysatay dhismaha suuqa waaheen inay tahay mid culayskeeda leh, waxaanu yidhi Madaxweynuhu “Arrintii suuqa waaheen oo maraysa meel aad u fiican, dadka wixii loo helayeyna la gaadhsiiyey, kuwii kalena la gaadhsiin doono dhawaan, hadana aynu marayno in aynu bilowno qandaraaskii dhismaha suuqa waaheen, waxaan qabaa inay tahay waxa Alle loogu mahadiyo, tusaale wanaagsan ayuu u noqonayaa dhibaatadii suuqa waaheen ka dhacday, sida marka la  isu tashado wax loo wada qabsan karo ee looga hortegi karo dhibaatooyinka jira”.

 

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu u mahadnaqay cidkasta oo gacan ka geystay arrinta suuqa waaheen iyo guddiyadii isu tegay ee arrintaasi dhabarka u ritay.

Wa-bilaahi Tawfiiq