Hambalyada Madaxweynaha JSL Ee Sanadka Cusub 2020-ka- 31/12/2019

0
962
Hambalyada Madaxweynaha JSL Ee Sanadka Cusub 2020-ka- 31/12/2019
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2020-ka awgeed, sannadka Hijriga 1441-ka kuna beegan Arbacada 01/01/2020-ka uu Hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.
 
Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2020-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.