Jamhuuriyadda Somaliland  Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Wada-jir U Xusay Munaasibadda Maalinta  Yurub Ee Sannadka 2020

0
536

Jamhuuriyadda Somaliland  Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Wada-jir U Xusay Munaasibadda Maalinta  Yurub Ee Sannadka 2020

 

Hargeysa-11-05-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) kuna sugan degmada Ceel-afweyn, ayaa  Wakiilka midowga Yurub,  Ambassador Nicolas Berlanga kala qayb-galay maalinta midowga Yurub ee sannadkan 2020-ka.

 

Madaxweynaha, wasiirka qorshaynta iyo wakiilka midowga Yurub, ayaa  munaasibadda dabbaal-degga kaga qayb-galay habka maqalka iyo muuqaalka iyaga oo goobo kala duwan ku kala sugan, waxana ay madasha isku weydaarsadeen khudbado ku qotoma xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Safiirka Midowga Yurub Ambassador Nicolas Berlanga, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaanay nabadda iyo horumarka ay gaadhay waxana  uu sheegay inay sii wadi doonaan kaalmooyinka ay midow ahaan siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo gacan siinta bulshada rayidka ah.

 

Safiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay  inay u han weynyihiin saaxiibtinimada qotoda dheer ee ka dhaxaysa  Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay sii laba jibbaari doonaan saaxiibtinimada iyo wada shaqayntaas.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa jeediyey khudbad ballaadhan munaasibadda ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday taariikhda soo jireenka ah iyo saaxiibtinimada dheer ee ka dhaxaysa midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo wada-shaqaynta labada dhinac ka dhaxaysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu isaga oo ku hadlaya Afka xukuumadda iyo ka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland midowga Yurub ku hambalyeeyey maalinta loo dabbaal-dego maalinta midowga Yurub ee sannadkan 2020,“Aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo ka shacabka Somaliland  waxa aan hambalyeynayaa midowga Yurub iyo dhammaan dawladaha xubnaha ka ah munaasibadda maalinta  Yurub ee 2020-ka darteed,” ayuu yidhi  madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay inay sii adkayso saaxiibtinimada iyo wada shaqaynta muddada dheer soo jirtey ee kala dhaxaysa midowga reer Yurub, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Midowga Yurub waa saaxiib iyo taageere ay Somaliland leedahay oo dhinacyada ammaanka iyo horumarka ah, qaran ahaan Jamhuuriyadda Somaliland waxa  ka go’an inay dhidibada usii adkayso xidhiidhkaas qotoda dheer ee ku dhisan mabaa’di’da iyo is ixtiraamka .”

 

Wa-bilaahi Tawfiiq