Kal-fadhigii 48-aad Ee Golaha Wasiirrada Oo Xeerar Lagu Ansixiyey + Sawiro

0
876

 Kal-fadhigii 48-aad Ee Golaha Wasiirrada Oo Xeerar Lagu Ansixiyey

Hargeysa-21-11-2019-(MT-JSL)-Kalfadhigii 48-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu  ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel  lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.

 

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:

1. Kaabista Iyo Wax ka bedelka xeerka La Dagaalanka Mukhaadaraadka Xeer Lr.21/2002
2. Qabyo Qoraalka Xeerka ka hortaga iyo Xakamaynta Ka Ganacsiga iyo Tahriibinta Dadka oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.