Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi

0
539

Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi

Isniin, 09 May 2022

 

  • Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka JSL,
  • Mudanayaasha Golaha Barlamaanka ee Sharafta Leh,
  • Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,
  • Xubnaha Golaha Wasiirrada,
  • Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida,
  • Shacabka JSL meel kasta oo ay joogaan,

Dhammaantiin, Salaamu Calaykum.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo xurmo ii ah in aan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo Golihiisa Wakiilladu waliba cusub yahay, dhawaana ka soo baxay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah, si aan uga jeediyo Khudbadda Dastuuriga ah ee sannadka 2022.

Sannadkii tagay ee 2021-ku waxa uu ahaa sannad adduunku la daala dhacay riiqda uu reebay Caabuqa Xanuunka Saf-marka ah ee Covid-19. Xanuunnada saf-marka ah ee noocan oo kale ah inta badan boqolkii sannaba hal mar bay soo maraan adduunka.

Waxa uu ahaa sannad colaadeed oo saanadda millatariga, qumaca iyo baaruudda la isu afaystay, oo nabadda adduunku gashay weedhaamo.

Balse Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u ahaa sannad nabad-gelyo iyo sannad doorasho. Qabsoomidda doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka iyo sidii ay innoogu qabsoomeen waxay muujiyeen bisaylka siyaasadeed ee shacabka Somaliland.

Sannadka cusub ee 2022-kuna ma waayo la’a. Waxa adduunkii u sii durkayaa dhinaca dagaallada, waxaana adduunkii hadheeyey saymo colaadeed oo khatartooda wata. Waxa durba adduunkii cidhiidhi ka gashay nabad-gelyada cuntadda (Food Security), Saliidda iyo Tamarta Gaaska, waxaana shaki weyn leh in uu hakad galo isku-socodka dadka iyo badeecadaha adduunka.

Haddii aan caqliga aadamuhu shaqayna, waxa laga cabsi qabaa in saymaha colaadeed sahaydaan nafo badan oo maanta adduunka ku nool.

Waxa laga cabsi qabaa in bad-xidhan dhaco oo badeecadaha adduunka iyo isku-socodkoodu istaago. Haddii bad-xidhan dhacana, waxa aynu nahay dadka ugu nugul ee waxyeellada ugu badan ay ka soo gaadhi doonto, waayo wax kasta oo aynu cunno iyo wax kasta oo aynu nolosheena u adeegsano dibedda ayaynu kala soo dagnaa. Waxaynu ognahay in aynu wax yar beerano, wershado aynaan lahayn, halkaana hawl weyn ayaa ka soo fool leh.

Waxaan ku talinayaa in maal-qabeennada dalku maal-gashadaan wax-soo-saarka cuntada dalka, si ay u yaraato ku tiirsanaanta badeecadaha daruuriga ah ee aan dalka dibeddiisa ka soo iibsano. Waxa iyana habboon in xoolo-dhaqatadu xannaanada xoolaha kordhiyaan iyo in aqoonyahanku fikirkooda soo bandhigaan.

Dawlad ahaan waxaanu qaadaynaa dhawr tallaabo, sida:

  • Dhiirri-gelinta wax-soo-saarka;
  • Isku-xidhka aqoonyahanka iyo Maal-qabeenka;
  • Dhiirri-gelinta in jaamacadaha dalku sameeyaan hal-abuur iyo daraasado wax-ka-tari kara xalka dhibaatooyinka inna horyaala.
  • Samaynta Kaydka Raashinka intii awoodeena ah.

  1. Dhaqaalaha:

Mudanayaal iyo Marwooyin;

  • Labadii sanno ee la soo dhaafay, Caalamka waxa soo food-saartay hoos u dhac dhaqaale iyo wax-soo-saar, taasi oo uu sababay caabuqa COVID-19. Dhibaatadaasi dhaqaale ee Caalamka ka dhacday in kasta oo ay ina saamaysay haddana, waxa ay Somaliland, qayb ahaan, kaga bad-baaday siyaasadda Xukuumaddu u dhigtay, sida: casriyeynta iyo horumarinta hannaanka iyo kaabayaasha dakhli-ururinta, kor-u-qaadista Dakhliga Cashuuraha Berriga iyo hoos-u-dhigista ku tiirsanaanta Dakhliga Cashuuraha Kastamada, kalsoonida dadweynaha ee cashuur-bixinta, kobcinta dhaqaalaha, toosinta maamulka kharash-bixinta iyo daah-furnaanta isticmaalka miisaaniyadda Qaranka.

  • Waxa ay xukuumaddu dhaqan-gelisay Hab-raacyo Caalami ah oo xoojinaya La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo La-xisaabtanka Xatooyada Hantida Qaranka, kuwaas oo lagu hagayo Nidaamka Xisaabaadka Hay’adaha Dawladda iyo Maamulka maaliyadda.

  • Waxa Miisaaniyadda Qaranka sannadkii tagay laga maal-geliyey 98 Mashruuc. Mashaariicdaas oo ku kacay qiime lacageed oo gaadhaya 7 Bilyan ooSL.Shillin ah, una dhiganta 23.3 Milyan Doollar, waxaanay ka badan yihiin mashaariicdii sannadkii hore 3.11%, waxaana dhammaantood la mariyey Qandaraasyada Qaranka iyo Tartan daah-furan.

  • Waxa la oddorosayaa in Miisaaniyadda Sannadka 2022-ka laga maal-geliyo 122 mashruuc, oo qiimahoodu gaadhayo 293 Bilyan oo SL.Shillin ah, waxaanay lacag ahaan ka badan yihiin 79% mashaariicdii sannadkii hore.

  • Deeqaha Dibedda aynu ka helno waxa ay dalka ka fuliyeen sannadkii tagay mashaariic horumarineed oo qiimahoodu dhan yahay 6 Bilyan oo SL.Shillin ah, una dhiganta 23.5 Milyan doollar. Mahad-celin kadib, Bulshada Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Bulshada Somaliland ay tabayso taageero ama deeq macno leh oo u qalma milgaha iyo gobonnimada Shacabka Somaliland.

  • Waxa lagu kordhiyey Shaqaalaha Dawladda 13% sannadkii tagay, taas oo ka dhigaysa in afartii sanno ee la soo dhaafay la kordhiyey tirada Shaqaalaha Dawladda 7,907 qof, una dhiganta in guud ahaan Shaqaalaha Dawladda la kordhiyey 39%, kuwaas oo badankoodu ku shaqo-galay Barnaamijka guulaystay ee Shaqo Qaran.

  • Qiimaha Shillinka Somaliland waxa lagu ilaaliyay 8,400 halkii Doollar ba, Sicir-bararkuna 5 % ayuu hoos ugu dhacay sannadkii tagay. Waana heerkii ugu hooseeyay ee muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan uu gaadho.

  • Waxa ay xukuumaddu hir-gelisay tallaabooyin qorshaysan oo suurtogeliyey in heerka sarrifka lacaguhu uu sugnaado muddadii ay Xukuuumaddani jirtay, taasina waxa ay dar-dar iyo kalsooni galisay dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-geshiga dalkeena.

  • Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidoo kale qaaday tallaabooyin taabanaya nolosha dadka, waxaanu sannadkii 2021-ka ku maal-geliyey lacag xaddigeedu ka badan yahay 13 Milyan oo doollar oo ah mashaariic u badan Kaabayaasha Dhaqaalaha oo ay wadaan qaar ka mid ah Hay’adaha Dawladda Dhexe iyo qaar ka mid ah Dawladaha Hoose ee dalka.

1.1. Kaabayaasha Dhaqaalaha:

  • Waxa geba-gebo ku dhaw Dhismaha Dekedda Kalluumaysiga ee Maydh oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 5 Milyan oo Doollar.

  • Waxa 100% dhammaaday Wejigii Koowaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 400 Mitir.

  • Waxa sidoo kale la dhagax-dhigay Wejiga Labaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 600 Mitir oo cusub.

  • Dhismaha iyo casriyeynta Dekedda Berbera marka uu dhammaado, Dekedda Berbera waxa ay noqon doontaa mid ka mida dekedaha ugu dhererka badan Qaaradda Afrika, waxaanu dhererkeedu noqon doonaa 1,650 Mitir, gunta iyo Qotada Dekeddu waxa ay noqonaysaa 17 Mitir oo hoos ah, taas oo ka dhigaysa Dekedda labaad ee ugu gun-dheer Afrika, oo qaadi karta Maraakiibta ugu waaweyn adduunka, iyada oo rogi karta 2 Milyan oo Kontayner sannadkii, halka ay hadda ka rogi karto 500,000 Kontayner.

  • Wiishashka waaweyn Dekedda Berbera waxa hadda ku xidhan Saddex Wiish oo waaweyn (Cranes), marka 600 Mitir ee cusub dhammaadaan, waxa lagu xidhi doonaa Dekedda 7 Wiish (7 Cranes) oo waaweyn, tirada Wiishashka waaweyna waxa la gaadhsiin doonaa 10 Wiish.

  • Waxa laga dhigay Madaarka Berbera, Madaar Caalami ah, oo u adeegi kara dhammaan badeecadaha iyo Shucuubta Dalalka aan Dekedaha lahayn ee Afrika, waxaanu ka mid yahay maanta goobaha adduunka loogu xiisaha badan yahay. Xukuumaddu waxay shacabka uga faa’iidaynaysaa goobta istraatejiga ah ee Eebbe innagu uumay, oo adduunka oo dhan xiisaynayo.

  • Waxa dhammaad ku dhaw Waddada Burco – Ceerigaabo, waxaana hadhsan 10 KM oo keliya. Waxa dhammaaday 262 KM oo innoogu kacay qiime lacageed oo gaadhaya 54,484,000 Doollar, dhammaan lacagtaana waxa laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee dalkeena.  

  • Dhismaha Waddada Burco-Ceerigaabo waxay wax weyn ka beddelaysaa Dhaqan-dhaqaalaha (Socioeconomic aspect), isku socodka bulshada iyo ganacsiga ee dadkeena, tusaale ahaan: Magaaladda Burco ilaa Ceerigaabo waxa lagu gaadhi jiray 9 ilaa 10 Saacadood oo socod xidhiidh ah, haddase waxa lagu gaadhaa 5 saacadood. Noolka gaadiidku qofkiiba waxa uu ahaa ku dhawaad 60 – 80 Doollar, haddase waa 20 doollar oo keliya.

  • Waxa dhammaaday Dhismaha Wejiga Koowaad ee Waddada Berbera Corridor oo ah Hargeysa–Berbera, waxaana ku jira afar Biriish oo dadka iyo alaabooyinka iskaga goosha Berbera iyo dalka intiisa kale ay kala kulmi jireen dhibaatooyin waaweyn xilli-roobaadka.

  • Waxa dhawaan bilaabmay Dhismaha Aagga Ganacsi ee Cashuuraha ka-caagan (Free Zone), waxaana qorshaysan in la dhiso dhul gaadhaya 54 Hector, oo loo qaybin doono Laba Weji. Wejiga Koowaad waxa la dhisi doonaa dhul gaadhaya 34 Hector, oo isugu jira Waddada isku Xidha Aaga Ganacsi ee Cashuuraha ka-caagan iyo Dalka intiisa kale, Dhismaha Xafiisyada Maamulka, Dhismaha Hangarada waaweyn ee loo diyaariyey Shirkadaha iyo Marinka Baadhista Kontayneriska. Waxa la filayaa in uu hoy u noqdo shirkado badan oo maxalli ah iyo kuwo caalami ahba, isla markaana uu shaqo u sameeyo in ka badan 1,000 qof.

  • Waxa la bilaabay oo socda dhismaha carro-kaawada Waddooyinka Oodweyne-Burco iyo Laascaanood-Kalabaydh, waxaanay ku dhammaan doonaan muddo kooban, Insha Alla.

  • Waxa hadda dhammaaday sahaminta (Feasibility Study) Waddada isku xidha Lawyacaddo – Boorama, Waddadaas oo uu innaga Caawiyey Baanka Horumarinta Africa, waxaana loo bilaabi doonaa sida ugu dhakhsaha badan.

  • Waxa dhawaan la bilaabi doona dib-u-dhiska Waddada isku xidha Burco-Laalays oo ka kooban 82KM, waxa sidoo kale dhismaha waddada la socda dayac-tirka afar biriish oo ku yaala inta u dhaxaysa Burco iyo Laalays.

  • Waxa la billaabay sahaminta (Feasibility Study) waddada isku xidha Degmadda Maydh iyo Magaalada Ceerigaabo.
  1. Adeegyada Bulshada:
  • Dhinaca Waxbarashada, waxa sannadkii tagay la dhisay 57 Dugsi oo cusub, waxaana la dayac-tiray 24 dugsi oo hore.

  • Waxa Deeq Waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah loo diray 470 arday.

  • Waxaanu waajib ka dhignay in 10% ardayda Jaamacadaha Dawladda iyo 12% ardayda Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ay helaan Deeq Waxbarasho, si loo kordhiyo helitaanka tacliinta sare.

  • Waxa xanuunno kala duwan laga tallaalay 654,330 Caruur ah iyo hooyooyin tiradoodu gaadhayso 108,600

  • Waxa xarumaha Caafimaadka ee Dawladda adeegyo caafimaad loogu fidiyey 1,530,000 qof, oo ka badan sannadkii hore 2%.

  • Waxa la qaaday Toddoba Olole oo ah Wacyi-gelinta iyo tallaal bixinta Xanuunka Caabuqa COVID-19, waxaana la tallaalay 557,723 qof, una dhiganta 30% dadweynaha da’doodu ka weyn tahay 18 jir.

 

  • Waxa 2021-kii la dhisay 18 Goobo-caafimaad oo ay ku jiraan 5 Cisbitaal oo cusub, waxaana la dayactiray 23 xarumo-caafimaad.

  • Waxa la daweeyey 3 Milyan oo Neef, waxa nafaqayn la siiyey 75 Milyan neef, waxa ka faa’iidaystay 75,000 xoolo dhaqato ah.

  • Waxa la dhisay Shaybaadhka Qaranka ee baadhista cuntada iyo dawooyinka oo ku kacay lacag gaadhaysa 13,440,000,000 SL.Sh.

  • Waxa la qoday 41 Ceel dhaadeer oo cusub iyo 6 Ceel oo gaagaaban oo cusub, waxaana la dayactiray 60 ceel oo dhaadheer.

  • Waxa la qoday 20 Ballay oo waaweyn oo ku kala yaal Gobollada dalka.

  • Waxa la aas-aasay Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada, waxaana ilaa hadda wax ka bartay 34,500 muwaadin.

  • Waxa la qaybiyey 50,000 nuqul oo ah buugga Dastuurka JSL, si loo kor loogu qaado barashada sharciga ee muwaadiniinta.

  • Waxa horyaallada dalka ku tartamay 90 Kooxood, waxa ay ciyaareen 485 ciyaarood, waxa ciyaarahaasi saftay 3,043 Ciyaartoy, waxaana daawaday dad ka badan 1,800,000 qof.
  1. Amniga

Dunidda aynu maanta joogno, Nabad-gelyadu waxa ay ku jirtaa cidhiidhi marka la eego dhinaca caalamka. Waxa aynu arkaynaa in dagaalkii qaboobaa soo noqday isagoo midab kale leh. Waxa kale oo soo maray Gobolka iyo Qaaradda Afrika ee aynu ku noolnahay khilaafaad iyo shaqaaqooyin galaaftay nafo badan.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine maaha dagaal ku eeg labadooda oo keliya, balse waa dagaal ku salaysan mab’da iyo amni oo u dhaxeeya Gaashaan-buurta Nato iyo Ruushka ama si kale haddaan u dhigo aragtiyaha dhaqaale iyo siyaasadeed oo u dhexeeya dalalka Bariga iyo Galbeedka Adduunka.

Waa dagaal riiqdiisu dheeraan karto. Waa dagaal saamayn ku yeeshay nolosha dadka adduunka gaar ahaan dhinaca cuntada, tamarta, saliidda iyo isku-socodka baddeecaha ganacsiga.

Waxase Alle mahaddii ah in Quwadaha hirdamayaa ay arkeen maanta muhiimadda juquraafiyadeed iyo istaraatijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay adduunka, taas oo sababtay in Quwadihii Dhaqaalaha adduunka ugu tunka weynaa ay doonayaan in ay maanta wax la qabtsadaan Somaliland, in kastoo ay in badan indhaha ka lalin jireen.

Xukuumadda aan odayga u ahay waxa tiir-dhexaad u ah in cid kasta oo rabta in ay Somaliland wax la qabsato ay ugu soo hagaagto in aannu nahay Qaran madax-bannaan. Qaranka Somaliland waxa uu diyaar u yahay in uu cid kasta la yeesho iskaashi iyo wax-wada-qabsi ku dhisan Qaddarin, Caddaalad iyo sinnaan.

 Waxa nasiib wanaag ah in colaadaha adduunka iyo Gobolkaba ka aloosan, in dalkeenu ku naaloonayo Nabad-gelyo buuxda oo ay saldhig u yihiin shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel ay joogaanba iyo Ciidankeena qalabka-sida ee sooma-jeestayaasha ah.

Dawladdu iyada oo dhiirri-gelinaysa geesinnimada iyo naf-hurista Ciidanka Qalabka-sida, waxa ay u kordhisay Ciidanka Qalabka-sida mushaharka 30%. Waxa kale oo ay Xukuumaddu kordhisay guud ahaan Miisaaniyadda Saanadda iyo Sahayda Ciidanka Qalabka-sida.

Waxaan og-nahay in ay tahay korodh yar marka loo eego waajibaadka baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan, balse waa naga hayn, ee maaha hagrasho. Wax kasta oo suurtagal ah in Ciidanka Qalabka-sida loo helo nolol ka wacan ta ay maanta haystaan, waanu samaynaynaa, wax kasta oo ay nagu qaadanayso Insha Alla.

Waxaan leeyahay dhammaan Ciidanka Qalabka-sida, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, “Waxaanu idiin haynaa sharaf, xurmo iyo abaal aan duugoobayn. Duruuf kasta oo aad maanta ku nooshihiin, waxaad ku tallaallan tihiin Quluubta Shacabka Somaliland”.

  • Amniga iyo Degenaanshaha Bulshada (Social Security)

h

Amniga iyo Degenaanshaha Bulshada waxa saldhig u ah in bulshadu wax wada yeelato, iskaashato, is-aaminto, quluubtooduna wada-jirto. Taa waxa lagu heli karaa in dabaqadaha dhaqaale ee dadkeenu aanay kala fogaan, si aan faraqa dhaqaale ee u dhaxeeyaa aanu u abuurin kala fogaansho bulsho, khilaaf iyo amni-darro.

Sida ku cad Qodobka 11aad, Dastuurka Qaranku waxa uu waajibiyey in Nidaamka Dhaqaalaha ee Dalku aanu horseedin in Barwaaqada iyo ladnaantu aanay ku koobnaan ama ku ururin koox ama dad tiro yar, si aanay uga dhallan dabaqado dhaqaale oo u qaybiya dadka kuwo hodan ah iyo kuwo aan waxba haysan.

  • Sidaas darteed, annaga oo ka duulayna mabaa’didaasi kor ku xusan iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aannu waajibinay in Mashaariicda laga fuliyo dhaqaalaha ama Miisaaniyadda Qaranka ee ka badan 42,000,000 SL.Sh la mariyo Nidaamka Qandaraasyada Qaranka oo daah-furan, Muwaadiniinta Somalilandna ay u helaan fursado siman oo ay si caddaalad ah ugu tartami karaan. Waxa aan halkan mar kale ka caddaynayaa in Hay’adda Dawladeed ee ku dhaqmi wayda go’aankaas laga qaadi doono tallaabo ku habboon.

  • Waxa ay Xukuumaddu, markii ugu horraysay taariikhda Somaliland, sannadkii 2021-ka Kab-miisaaniyadeed u samaysay dhammaan Degmooyinka dalka oo ka kooban 101 (Boqol iyo Hal) degmo, xaddiga lacagta la siiyeyna waxa ay gaadhaysaa 106,946,632,435 SLSH (Boqol iyo Lix Bilyan, Sagaal Boqol Lix iyo Afar Milyan, Lix Boqol Laba iyo Soddon Kun, Afar Boqol iyo Shan iyo Soddon SL.SH).

  • Waxa Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose ee JPLG la gaadhsiiyey Degmooyinka Ceerigaabo, Laascaanood iyo Caynaba. Haddana waxa socda qorshaha lagu darayo degmooyin hor leh.

  • Xukuumaddu, iyada oo tix-gelinaysa duruufaha dadkeena iyo qiimaha quutal-daruuriga ee kor uga sii kacaya adduunka, waxa ay cashuur-dhimis gaadhaya 10% ku samaysay quutal-daruuriga soo galaya dalka.

  • Waxa raashin ay ku noolaan karaan muddo bil ah iyo taageero lacageed oo kooban loo fidiyey in ka badan 750,000 qoys oo kala jooga dhammaan Gobollada dalka.

  • Waxa sidoo kale 20,000 oo ah haween oo kala jooga 16 Magaalo oo ku kala yaala Gobollada dalka la gaadhsiiyey taageero dhaqaale oo gaadhaysa $640,000 Doollar.

  • Waxa dalkeena soo food-saartay abaar ba’an oo saamayn ku yeelatay in ku dhaw 5 Milyan qof oo Reer Somaliland ah. Saamaynta ugu daran ee abaartu waxa ay ahayd biyo yaraan. Sidaa darteed, Xukuumadda oo kaashanaysa ganacsatada waaweyn ee dalkeena ayaa 24,600 oo booyadood (Load) oo dhaansan gaadhsiiyey gobolladii ay ugu darnayd biyo yaraanta ay abaartu keentay. 72% booyadahaas waxa bixiyey Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland oo iskaashanaya, halka Hay’addaha gar-gaarku ka bixiyeen 28%.

 

  • Xukuumaddu iyada oo niyadda ku haysa in laga gaashaanto abaaraha soo noq-noqda iyo saamaynta ay yeeshaan mar walba, waxa ay sannadka 2022-ka ka qodaysaa Gobollada ay ugu daran tahay saamaynta abaartu 30 Dhaam oo cusub, waxaana dayac-tir lagu samaynayaa 20 dhaam oo hore.

  • Waxaan halkan mahad-naq iyo bogaadin uga gudbinayaa bahda garsoorka oo Qaranka u haya hawl weyn oo culayskeeda leh.

  1. Dhibaatadii Dabka Suuqa Waaheen

Walaalayaal;

Waxa aad mar kale igula soo biirtaan in aan murugada iyo dhibaatada la wadaagno shacabkeenii iyo ganacsatadii xoolahooda iyo hantidoodu ku gubatay Suuqa Weyn ee Waaheen. Waxa uu ka mid ahaa suuqyada ugu waaweyn, uguna dhaq-dhaqaaqa badan Gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu ahaa suuq udub dhexaad u ahaa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkeena, isla markaana waraabin jiray dalal badan oo Gobolka ah.

Waxa ku tusaya miisaanka suuqaasi ku lahaa Gobolka iyo Adduunkaba, sida adduunku uga gil-gishay dhibaatada innaga soo gaadhay dabkaa baabiiyey suuqeenaasi, walow haba yaraato manfaca innaga soo gaadhay adduunkee.

Waxa Shacabka Somaliland ka soo tacsiyeeyey dhibaatadaa Suuqa Waaheen ku dhawaad 45 Dawladdood oo adduunka oo dhan ah iyo ilaa 10 Hay’adood oo Caalami ah, waxa uu ruxay quluubta malaayin dad ah oo ku kala nool adduunka.

Dhibaato kasta oo innaga soo gaadhay dabkaa iyo xoolaheenii uu baabiiyey-ba, waxaan kaga ciil la’ahay in maanta Shacabka Somaliland gudo iyo dibad, yar iyo weyn, rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel ay ku qaabileen dhibaatadaasi qalbi isku mid ah, walaalnimo mug weyn leh iyo naf-qaybsi, aan waxba la kala lexa-jeclaynsan.

Waxa ku gubtay Suuqa Waaheen ku dhawaad 3,673 Ganacsi oo kala duwan, waxaana lagu waayey dhammaan hantidii iyo dhaqaalihii hoos yaalay Meheradahaasi ganacsi.

Waxa uu maanta dabkaasi gacanta dhulka u saaray dadkeenii lahaa ganacsiyadaasi, dadkii u shaqaynayey, dadkii ka dhex macaashayey dhaq dhaqaaqaasi ganacsi ee socday iyo dhammaan dadkii qaadaa-ma-dhergaha ahaa ee ku sii daba noolaa ganacsigaasi.

Waxa sharaf, karaamo iyo karti dheeraad ah oo Eebbe ku mannaystay dadkeena ah in maantaba Hareeraha Suuqii Waaheen ee gubtay ay dadkeenu dib u camireen, oo uu alaab iyo badeecad cusub la ciir-ciirayo, Dayn iyo Kaalo waxay ku keenaanba.

Dadkeenu waa dadkaa shaqada iyo xoogsiga sharafta u yaqaana, oo aan gacmaha hoorsan, oo maalintay ugu daran tahay aan dacasha laalaadin, ee luqunta kor u taaga. Waa Qab iyo Han iyo Kalsooni aynu dheernahay dadyow badan.

Maanta iyo Dabka Suuqa Waaheen keliya uma aha tusaale, sida dadkeenu u yihiin dad hal-adag (Resilient) oo isku tiirsada markay dhibaato timaado. Shalay bay ahayd markii magaalooyinka waaweyn ee dalkeena dhulka lala simay ee laga dhigay dambas iyo kayn dugaagu u hoydo. Waynu ka soo kabanay, dib baan u dhisanay dalkeena iyo magaalooyinkii la dumiyeyba, inaga oo isku duuban, Illaahay mooyee cid kalena aan gacan weyn ka helin.

[

Haddaba, ilaa hadda maxaa innoo qabsoomay?

 

  • Waxa aannu magacawnay Guddi Heer Qaran ah oo hagta hoggaaminta dib-uga-soo-kabashada Khasaaraha Dabkii Waaheen. Guddidaasina waxa ay sii dhistay Guddi-hoosaadyo ka kala socda Suuqii Waaheen, Ganacsatada, Culimada iyo Qurbaha, ilaa haddana si wacan ayay hawshoodu u socotaa.

  • Waxa la diyaariyey Afar Suuq oo ku Meel-gaadh ah oo kala ah: Beerta Xoriyadda, Hadh-wanaag, Laynka Booliska iyo Injida. Waxa la gaadhsiin doonaa suuqyada ku-meel gaadhka ah ilaa Toddoba suuq.

  • Waxa ilaa hadda la ururiyey Qaadhaan lacageed oo gaadhaya $23,000,000 (Saddex iyo Labaatan Milyan oo Doollar).

­

  • Waxa ilaa hadda Qaadhaan lacageed ka soo gaadhay Guddida Dalalka Jamhuuriyadda Djibouti, Taiwan, Somalia iyo Baanka Adduunka, lacagtaas oo ka mid ah lacagta aan kor ku xusay.

Shaxda 1aad: Dakhliga iyo Kharashka ilaa hadda la helay ama la galay

Dhakhli $23,000,000 Tiradda Dadka wax la siiyey
 

Kharash

 

$73 – 5,000 Waxa la siiyey 100% hantidoodii  

988 qof

 

<$100 Waxa la gaadhsiiyey qofkiiba $500
$5,001 – 40,000 Waxa la siiyey 25% hantidii ka baxday.  

1,016 qof

$40,001 -100,000 Waxa la siiyey 15% hantidii ka baxday
$100,001 – 480,000 Waxa la siiyey 10% hantidii ka baxday
 

Wadarta Dadka cawil-celin lacageed loo sameeyey ilaa hadda:

 

2,004 Ganacsade

 

 

Wadarta Lacagta la bixiyey ilaa hadda

 

$8,638,418

  • Waxa Gobonnimada iyo dun-wanaagga dadkeena ka mid ah Ganacsadaha inta uu Guddida u yimi yidhi,”Hantida aan lahaa ee iga Gubatay waa hanti u dhiganta $73 oo keliya, hal Doollarna ha iigu darina haddii wax la ii helayo, haddii kale Illaahii awalba i siiyey waa nool yahay”. Waa baarka iyo halka ugu sarraysa xalaal-miiradnimada dadkeena.

 

  • Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kaashanaysa Guddida Heer Qaran ee Dib-u-soo-kabashada Suuqa Waaheen, waxa ay nadiifiyeen Suuqii gubtay, waxaanay ka qaadeen 1,879 Lawdh oo qashin iyo iskaraab ah.

 

  • Hawsha ugu badan ee Qaran ahaan innoo hadhay waa dib u dhiska Suuqa Waaheen, iyada oo la raacayo hab-raacyo caalami ah oo sugaya bad-qabka hantida iyo nafaha shacabkeena. Insha Alla, waxa aan rajaynayaa in innaga oo gacmaha is haysana aan dib u dhisano Suuqii Waaheen ee innaga gubtay mid ka qurux badan, ka bad-qab badan, kana rajo wacan. Suuqaasi oo noqon doona suuq ku dhismay Quluub iyo Shacab wada-jira, astaanna u ah midnimo, walaalnimo iyo hal-adayg ummadeed.   

 

  • Waxaan halka uga soo jeedinayaa ammaan iyo bogaadin ballaadhan dhammaan dadkii waxyeeladdu ka soo gaadhay dabkii Suuqa Waaheen, waxaanan uga mahad-celinayaa sida wanaagsan ee ay u samir-qaateen iyo iimaankooda adag iyo waliba sida xil-kasnimada leh ee ay ula shaqeeyeen Guddiyadii hawshaa loo xil-saaray.

 

  • Waxa kale oo aan u mahad-celinayaa cid kasta oo dhibaatadaasi soo gaadhay ummaddeena ka damqatay, garab na siisay oo noo soo gurmatay. Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa dalalka aynu jaarka nahay sida, Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo shacabkooda oo gurmadkii ugu horeeyey na soo gaadhsiiyey isla habeenkiiba iyo Dawladda Dhexe ee Itoobiya.

  • Sidoo kale waxaan u mahad-celinayaa Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti, oo aan maalin qudha naga qoob-qaadin. Waxa kale oo Djibouti soo gaadhsiisay Guddida Gurmadka iyo Dib-u-soo-kabashada Suuqa Waaheen lacag ka badan 5 Milyan Doollar, ilaa haddana wali way wadaan kaalmo ururintii dadkeena. Waxa kale oo aan u mahad-celinayaa Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda iyo guud ahaan shacabka kale ee Soomaalida ah oo meel ay joogaanba ka gil-gishay dhibaatada soo gaadhay dadkeena. Waxa aan sidoo kale u mahad-celinayaa Baanka Adduunka oo gaystay gurmadkii ugu horeeyey ee Hay’adi bixiso.

  • Waxaan leeyahay waanu idiin ogsoonnahay abaalkaa weyn ee yimid xilligii loo baahnaa.

Maxaynu ka baranay Dhibaatadii Suuqa Waaheen?

  • Waxa aynu ka baranay in aan wax dhisan karno, waxna qabsan karno, dhib kasta oo inna soo gaadha.

  • Waxa aynu ka baranay in la xoojiyo, gacanna lagu siiyo shaqadooda Ciidanka Dab-demiska oo muujiyey karti iyo awood ay ku dheehan tahay waddaniyad.

  • Waxa aynu ka baranay in la furo jidadka iyo waddooyinka dhex-mara suuqyada, si gurmadku u gaadhi karo bar-tilmaameedkiisa.

  • Waxa aynu ka baranay in guryaha ganacsi ee la dhisayo loo sameeyo nidaamka bad-qabka guryaha. Waxaanan farayaa Dawlaha Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta in ay diyaariyaan hab-raacyada iyo hagayaasha bad-qabka dhismayaasha dadweynaha.

 

  1. Doorashooyinka

’’

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Sannadkii hore, waxaan Golaha Baarlamaanka hor tagay iyada oo ay doorashadoodii Golaha Wakiilladda ka hadhsan tahay 83 maalmood oo keliya, saxal-qaaddii fooraha doorashaduna ay ka dhacayso dhammaan dacallada Gobollada Somaliland.

Xubnihii Golaha Wakiillada ee hore, waxa ay ahaayeen rag waayo-arag ah, muddo dheer oo gaadhaysa 15 sanno iyo ka badanna u soo shaqeeyey Qaranka. Waxaan ku idhi, ‘Duco Qaata, oo si wanaagsan uga amba-baxa Golaha, Doorashooyinka isku-sidkana, wixii idinku xidhan nagala shaqeeya.’ Waa ay aqbaleen, waanay ka soo baxeen ballankaas. Maantana waxa Illaahay Mahaddii ah in Doorashooyinkii Isku-sidkanaa innoo qabsoomeen oo Caalamka oo dhan majeertay. Waxa kale oo Bulshada Somaliland ay mar kale fursad u heshay in ay doortaan Xildhibaannadii matali lahaa shanta sanno ee soo socda, una badan rag dhallinyaro ah, walow aan ka xumahay in Golaha Wakiillada haweenkii u tartamay aan midna ku soo bixin.

Sidaas darteed, Mudanayaal, Golaha cusub ee Wakiilladu waxa ay ku yimaadeen wada shaqayn iyo iskaashi buuxa oo dhex-maray Hay’adihii Qaranka, si loo suurta-geliyo himilladii Qarankani lahaa ee ahayd in la qabto doorashooyinkii muddo dhaafay ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka. Waxay taasi muujinaysaa midhaha wanaagsan ee ka soo bixi kara wada shaqaynta wacan iyo daacadnimada dhex-marta Golayaasha Qaranka. Waa astaan muujinaysa quruxda Qarankeena iyo rumaynta hammiga shacabkeena.

Waxa ay ahaayeen doorashooyin innoogu kacay kharash aad u tiro badan oo gaadhaya 132.6 Bilyan oo SL. Shillin ah. Kharashkaas oo badankiisa uu Qarankeenu tunka u ritay, waayo Xukuumad ahaan waxaanu aaminsanahay in Doorashooyinku ay yihiin waajib Qaran oo ay tahay in Qarankeenu maareeyo.

Waxaan u mahad-celinayaa Shacabka Somaliland oo nabad ku codeeyey, Golihii Wakiillada ee hore ee kuraasta sida milgaha leh u banneeyey iyo guud ahaan cid kasta oo innaga taageertay qabsoomidda doorashooyinka.

Sidoo kale, waxaan soo dhawaynayaa Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee cusub ee la soo doortay. Waxaanan kula dar-daarmayaa ballankeenu waa shaqo iyo in si wada-jir ah loogu adeego dadka iyo dalka.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Somaliland waxa lagu majeertaa Dimuqraadiyad iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirar aasaasi u ah, oo ay ugu horreeyaan:

  1. In doorashooyinku ku qabsoomaan xilligii loo asteeyey.

  1. In Xisbiyada Qaranka oo ah hilinka ay Muwaadiniintu u maraan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan marna muddo dhaaf noqon, dhexdoodana ay ka muuqato dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan mabaa’di iyo siyaasad cad oo qeexaysa qorshaha ay dalka ku horumarin karaan.

  1. In dhaqaalaha Xisbigu uu ka yimaado taageerayaasha Xisbiga ee gobol kasta, kana fogaadaan faro-gelin shisheeye. Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay Qarannimada dalkeena.

Sidaa darteed, waxa daruuri ah dhammaystirka doorashooyinka innoo hadhsan sida Furista Ururrada Siyaasadda oo la gaadhay wakhtigoodii iyo doorashada Madaxtooyada, si waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka.

Xukuumad ahaan waxa naga go’an in aannu fulino waajib kasta oo naga saaran doorashooyinka sannadkan xilligoodii jooga, wixii caqabaad ah ee naga hor-yimaadana waxa lagu xallin doonaa sifo sharci ah iyo wada-tashiga Hay’adaha Qaranka.

Siyaasaddu waa sida Ciyaarta Shaxda oo kale. Sidaa darteed, waxaan kula talinayaa Xisbiyadda iyo Ururrada siyaasadda in ay si nadiif ah boodhka faraha u wada geliyaan.

Doorashooyinku uma baahna bulaan iyo baalo-xoofto midna. Aflagaadadana laguma gaadho guul siyaasadeed. Hanjabaaduna maaha geesinimo.

Siyaasaddu uma baahna ballan-qaad been ah iyo hummaag siyaasadeed oo aan hubanti ahayn, micnaheeduna maaha guul siyaasadeed.

Waxa innoo ballan ah ciddii shaxda laga badiyaa in ay si wanaagsan boodhka faraha uga tumato.

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland mabdi’iyan waxa ay ku dhisan tahay deris-wanaag, nabad-gelyo iyo iskaashi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan, xasarad la’aan (Zero Conflict Policy).

Sidoo kale, Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland waxa ay ku dhisan tahay Qorshe qeexan oo ah in Dalalka Qaaradda Afrika la saaro xoog intii hore ka badan, si loo soo dhaweeyo Aqoonsiga Somaliland. Bulshada kale ee Caalamkana lala yeesho Iskaashi iyo Wada-shaqayn Dhaqan-dhaqaale oo buuxda, oo ixtiraamaya Qaranimadda iyo jiritaanka Somaliland.

Sannadkii dhammaaday waxa uu ahaa sannad hoodo u leh Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland, waxaana raacay dadaal badan oo Xukuumaddu gelisay in ay Qaranimada Somaliland u soo bandhigto Dawladdo badan oo adduunka ah, taas oo keentay natiijo wax-ku-ool ah oo lagu naaloon karo.

 

  • Maraykanka

Wefti ballaadhan oo aan hoggaaminayey ayaa safar shaqo oo qaatay muddo 12 cisho ah ku tagay dalka Maraykanka. Safarkaasi waxa uu lahaa laba ujeeddo oo waaweyn:

  1. In si dhab ah loo fahansiiyo Maraykanka taariikhda xanuunka badan ee Somaliland kala kulantay midnimadii dhicisawday ee baadi-goobka shanta Soomaali weyn iyo xogta sidii bahalnimada ahayd ee Digtaytarkii Siyaad Barre ugu dalbaday Diyaarado, Taangiyo, madaafiic iyo hub culus oo dhan magaalooyinka Somaliland.

  1. In si faah-faahsan loogu sharraxo xasuuqii loo gaystay ummadan iyo sababihii keenay halgankii hubaysnaa ee Somaliland iyo in markii Shacabka Somaliland guulaysteen go’aan wadareed ku gaadheen in ay dib ula soo noqdaan madax-bannaanidoodii.

  1. In loo sharraxo in Somaliland tahay Dawlad dimuqraadi ah oo Caalamku indhaha ka laliyey muddo 30 sanno ah, balse Somaliland ay dhaqaalaheeda yar u hurtay amniga dalkeeda, ilaalinta xasilloonida Gobolka Geeska Afrika iyo adduunkaba.

  1. In laga wada tashado sidii Iskaashi buuxa u dhex-mari lahaa labada dal. Waa Iskaashi bilow ah oo aannu rajaynayno in uu dhakhso u midha-dhalo.

Runtii Dawladda, Golayaasha, Ganacsatada iyo Shacabka Maraykan waxa ay noo soo dhaweeyeen si aad iyo aad u qiimo badan, oo muujinaysa in fahanka Maraynkan ee Somaliland uu aad isku beddelay. Waxa aannu la kulanay ilaa 13 Xildhibaan oo ka tirsan labada Gole Baarlamaan ee dalka Maraykanka.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee safarkaasi Qaran ahaan innooga soo baxay waxa ugu mudan:

  • In Dawladda Maraykanku ay dib-u-qiimeyn ku samayso Deeqaha Maraykanku siiyo Somaliland iyo qaabka ay Deeqahaasi u soo gaadhaan dalkeena intaba.

  • In la diyaariyey, isla markaana la gudbiyey Mooshinka Xeerka Ishaashiga Somaliland iyo Maraykanka “Somaliland Partnership Act”, kaas oo ka dalbanaya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo kaashanaysa Wasaaradda Gaashaan-dhigga in ay soo dar-saan qaabka ugu habboon ee Somaliland iyo Maraykanku Iskaashi u yeelan karaan mustaqbalka.

Guud ahaan safarkaasi waxa uu ahaa safar sama-wade ah, guul weyna u soo hooyey dalkeena Somaliland, waxaanan filayaa in aad dhawaan arki doontaan fulinta go’aammadii ka soo baxay socdaalkaas iyo kulamo dheeri ah oo daba socda safarkaasi.

  • Boqortooyada Ingiriiska (UK)

Dalka Boqortooyada Ingiriisku waa dal guun ah oo ay inaga dhaxayso taariikh maxmiyadeed oo dheer, taasi oo ka dhigaysa dalka ugu aqoonta badan marka laga hadlayo Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo waayihii loo soo maray.

Sidaa darteed, Xukuumad ahaan waxaanu go’aansanay in aannu xoojino dhaq-dhaqaaqa iyo galaan-galka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan UK.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo kaashanaysa Wakiilka iyo Jaaliyadda Somaliland ee UK, waxa la abuuray Golaha Saaxiibadda Somaliland oo ka kooban 25 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka UK, kuwaas oo aad wada og tihiin dadaalka ay ka dhex sameeyeen Golaha Baarlamaanka UK iyo culayska ay saareen in Dawladda UK fiiro-gaar ah siiso Somaliland iyo Safarkii Xildhibaanadda qaarkood ku yimaadeen Somaliland.

  • Midowga Afrika

Dawladaha Afrika, badankooda, waxaanu gaadhsiinay codsi ah in ay Qaddiyadda Somaliland ka caawiyaan sidii loo hor-gayn lahaa Midowga Afrika.

  • Dalalka Carabta

Guud ahaan dalalka Carabta waxaanu Xukuumad ahaan gaadhsiinay codsiyo aannu kaga dalbanayno in ay si fiican u darsaan xaqiiqada Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan xaqeeda la is-diidsiin.

Xidhiidhka Somaliland iyo Dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta ee aynu walaalaha nahay waa uu sii xoogaystay, waxaanay Dalka ka furteen Xafiis Diblomaasiyadeed, taasi oo sahashay isku-socodka dadka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaan rajaynayaa in ganacsiga labada dal uu gaadho malaayiin doollar sannadkii. Waa dawladda keliya ee dalkan ku samaysay maal-geshi dhaqaale oo muddo dheer ah oo gaadhaya boqollaal milyan oo doollar. Dawladda Imaaraadka Carabtu waa Dawlad mar walba innala garab taagan taageero iyo gurmad xaalad kasta oo aynu soo marnay, hadday tahay abaarihii, Duufaantii SAGAR iyo Dabka Suuqa Waaheen ee maanta.

  • Dalalka Deriska  

Waxaanu xoojinay xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isku-socodka dadka ee Somaliland iyo Dalalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, Itoobiya iyo Kiiniya. Waxa la abuuray guddiyo heer Wasiir ah oo ka shaqeeya xoojinta iskaashiga nabad-gelyada, amniga xuduudaha iyo kor u qaadista ganacsiga isaga tallaaba Somaliland iyo dalalkaasi. Dalalka Djibouti iyo Itoobiya waxa ay hore ugu lahaayeen Xafiisyo Diblomaasiyadeed dalkeena, waxase aan bogaadinayaa Dawladda Kiiniya oo iyana Xafiis Diblomaasiyadeed ka furatay dalkeena dhawaan, iyada oo fulinaysa Is-fahankii labada Dawladood ay hore ugu kala saxeexdeen magaalada Nayroobi ee Caasimadda Dalka Kiiniya.

 

  1. Gebo-gebo:

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Hillaadinta iyo u-diyaar-garowga Mustaqbalku aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxa uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha iyo horumarka dadkeena.

Dhibaatada inna soo marta sida, Gubashada Suuqii weynaa ee Waaheen, Abaaraha soo noq-noqda iyo Dhaqaale yaraantu, macnaheedu maaha in aan quusano oo aan waayaha adag isku-dhiibno, balse waa in aan guntiga giijisannaa oo dadaalka iyo xaqiijinta himilladeena libin-laabno.

Waa in dhibaatada soo food-saarta dalkeenu noqotaa waayo-aragnimo innoo jeexda jidka horumarka iyo midnimada.

Qofku wuu kufi karaa, laakiin in uu kici waayo ayaa doqonniimo ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “Gobtu way liicdaa ee ma jabto”.

Hiraalka Horumarinta Somaliland ee 2030 (Somaliland Vision 2030), waxa uu qeexayaa in dalkeenu noqoto dal “Dimuqraadi ah oo sharci lagu dhaqmo, nabad-gelyo iyo barwaaqo ah, dadkiisuna ku nool yihiin hodan-tinimo loo dhan yahay iyo in ay noqoto iftiinka aqoonta iyo ilbaxnimada ee ka dhex-muuqda Afrika”.

Waa hiraal iyo higsi qurux badan oo wanaagsan af ahaan, balse u baahan ficil iyo fahan qoto-dheer. Waa hiraal innooga baahan isku-duubni, midnimo iyo walaalnimo qoto-dheer, taasina waan ku ammaanayaa shacabkeena gobta ah, waayo waxa markhaati u ah sida sharafta leh ee walaalnimada iyo wada-jirka leh ee ay iskugu gurmadaan, ee ul iyo diirkeed u noqdaan marka dhibaato soo food saarto. Waxaan leeyahay, “Waa intaas oo loogala sii dhawaado”.

 

 

Mustaqbalka:

 

  • Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Waxa naga go’an Xukuumad ahaan in jid kasta oo lagu heli karo xaqiijinta Aqoonsiga Somaliland loo maro, iyada oo la kaashanayo saaxiibbada dalkeena, dalalka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Muddadii Xukuumaddu xilka haysanayna waxa ay ku guulaysatay in ay meel sare gaadhsiiso haybadda iyo sharafta Qarankani leeyahay, waxaanaynu maanta gaadhnay heer la innagu tix-geliyo rabitaankeena Dawladnimo iyo Qarannimo.

Waxa aannu adduunka hor-dhigaynaa in Somaliland tahay xaqiiqo intaa wax ka badan aan indhaha laga qarsan karin iyo in ay tahay dal isku kalsoon oo lala yeelan karo iskaashi la isku hallayn karo oo ku dhisan masuuliyad iyo ixtiraam.

 

  • Dhaqaalaha

Xukuumaddu waxa ay fulinaysaa siyaasad cad oo dhiirri-gelinaysa in dhaqaalaha Dawladda iyo ka gaarka loo leeyahayba u midoobaan wershadaynta iyo wax-soo-saarka bad iyo berri intaba, si aan baahiyaheenna aasaasiga ah u daboolno, hoosna ugu dhigno ku tiirsanaanta badeecadaha aan ka soo dhoofsano dalalka dibedda.

  • Bad-qabka Bulshada

 

  1. Qorshaha Xukuumadda ee la xidhiidha Siyaasadda Bad-baadada Bulshada (Civic Protection Policy) ee lagaga hortagayo masiibooyinka dabiici ah iyo kuwa dad-sameega ah sida: (Dagaallo, dhul-gariir, dab, weerar cadow, IWM).

  1. Xukuumaddu waxa ay siyaasad cad ka leedahay in dhammaan hay’adaha Dawladdu Heer Qaran, Heer Gobol iyo Heer Degmo, ay si dhab ah u hir-geliyaan hab-raacyada iyo hagayaasha ilaalinta caafimaadka iyo bad-qabka bulshada (Health and Safety Standards). Sidoo kale, Xukuumaddu waxa ay dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka ka hir-gelinaysaa Waaxda Maaraynta Masiibooyinka.

  1. Xukuumaddu waxa ay hir-gelinaysaa in Difaaca Madaniga ah loo daadejiyo ilaa heer Degmo iyo Tuulo. Difaaca Madaniga ahi waa tababar dadka lagu siinayo bad-baadada deegaankooda iyo dadkooda iyo siday uga feejignaan lahaayeen cadow badheedh ama dhuumasho uga dhex abuuri kara fidno.

 

 

Ugu dambeyn;

Shacab-weynaha JSL waxaan u rajaynayaa Guul, Barwaaqo, Horumar iyo Nabad-gelyo waarta.

Waxa aan mar kale ammaan iyo bogaadin u dirayaa shacabka wanaagsan ee Somaliland ee muujiyey qaan-gaadhnimo iyo walaalnimo gaamurtay.

Jamhuuriyadda Somaliland Ha Waarto,

Shacabka Somaliland Ha Guulaysato.

 

Mahadsanidin.

 

Eebbaa Mahad Leh