Ku Simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Marxuum Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Ehelada iyo Shacbiga Somaliland

0
594

Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen: 21/02/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaca dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 21/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku ku sifeeyey Marxuumka udub dhexaad ka baxay qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee loo soo maray madax-bannaanida iyo jiritaanka Somaliland, waxaanu mar ahaa wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda Somaliland, isagoo ka mid ahaa u tartamayaashii murashaxa madaxweyne ku xigeenka doorashadii 2010ka dalka ka qabsoontay.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.