ku simaha Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka Tacsiyadeeyey geerida Gudoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo galabta Geeriyooday 

0
602
TACSI MADAXWEYNE: 09/08/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
 
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/08/2019, dalka Malaysiya.
 
 
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey dhaqaale yahan ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, gudoomiyena ka soo noqday baanka dhexe ee Somaliland.
 
 
Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.