Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray shacbiga iyo qoyska uu ka baxay Marxuum Eng Cabdilaahi Cabdisalaan Sh Cali Jawhar oo ku geeriyooday Dalka Ethiopia

0
599

 

TACSI MADAXWEYNE kU XIGEEN : 08/08/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/08/2019, dalka Itoobiya.

 

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan dhinaca wadooyinka oo uu marxuumku kaalin lama ilaawaana ku lahaa badiba biriishyada dalka oo uu seeska u dhigay iyo bilawgii wadada ceerigaabo oo uu gacanta ku hayey Engineerku.

 

 

Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.