Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Cali Shoombe oo ay maanta xaaskiisi ku geeriyootay Shil Baabuur

0
649
Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Cali Shoombe oo ay maanta xaaskiisi ku geeriyootay Shil Baabuur
Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen : 13/03/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaa Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2019, shil gaadhi oo ka dhacay gudaha Caasimada Hargeysa.
 
 
Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi , wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka marna ahaa safiirkii hore ee itoobiya u fadhiyi jiray Somaliland, siyaasi Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo marxuumadu ay xaaskiisa ahayd.
 
 
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumadaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 
 
 
Aamiin Aamiin Aamiin
Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL