Kulan ay Yeesheen Guddida heer qaran COVID-19 ayey 56,600 qoys oo ku dhaqan degmooyinka waaweyn ee 23 degmo ee dalka ugu direen raashin 

0
539

Fadhigii ay maanta oo arbaca ah ay yeesheen Guddiga heer qaran COVID-19 oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Gudoomiyaha Guddida heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 ayaa lagu go’aamiyay in raashin la gaadhsiiyo lix iyo kontan kun iyo lix boqol oo qoys (56,600) oo ku sugan saddex iyo labaatanka (23) Degmo ee dalka.

 

Waxaanay u kala qaybiyeen sidan hoos ku xusan:-

 

Wejiga koowaad oo ka koobnaan doona sagaal iyo soddon kun oo qoys (39,000) ahna dadka ugu baahida badan degmo kasta oo ka mid ah 23 degmo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. Hargeysa
  2. Boorama
  3. Burco
  4. Laascaanood
  5. Ceerigaabo
  6. Berbera
  7. Gabiley
  8. Saylac
  9. Oodweyne
  10. Caynaba
  11. Ceel-afweyn
  12. Sheekh

 

Halka Wejiga labaadna uu ka kooban yahay todoba iyo toban kun iyo lix boqol oo qoys oo degmooyinka kale ah, midkastaana si siman u heli doonto 1,600, marka la isu geeyana guud ahaan waxay noqonayaan lixdan kun oo qoys (60) oo si siman loo qaybiyey.

 

  1. Laasqoray
  2. Badhan
  3. Taleex
  4. Xudun.
  5. Buuhodle
  6. Salalxlay
  7. Baligubadle
  8. Baki
  9. Lughaya
  10. Dhahar
  11. Gar-adag

 

Guud ahaana tirada guud ee qoysasku waxay noqonayaan 56,600 oo qoys marka loo eego degmooyinka waaweyn ee 23 degmo ah ee dalka oo ay ka mid yihiin lixdan kii kun (60) ee qoys ee ay hore u shaaciyeen guddidu.