Madax Ka Tirsan Xukuumadda Oo Wada-Jir Xadhigga Uga Jaray Xarunta Ururinta Raad-Reebka Taariikhda Qaranka

0
533

Madax Ka Tirsan Xukuumadda Oo Wada-Jir Xadhigga Uga Jaray Xarunta Ururinta Raad-Reebka Taariikhda Qaranka

Hargeysa-10-12-2012-(mt-jsl)-Xubno ka mid ah madaxda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xadhigga ka jaray xarun lagu ururin doono taariikhda dhinaca hiddaha ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ku taalla badhtamaha caasimadda Hargeysa.

 

Munaasibadda xadhigga lagaga jarayey xaruntan, ayaa waxa ka qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, agaasimayaal guud, madaxda xarunta keydka taariikhda qaranka Safiirro iyo wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka caalamka ee Somaliland saaxiibka la ah iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay leedahay taariikhda iyo hiddaha ummadda reer Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in la keydiyo.

 

Ugu horrayn agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bille, ayaa si qoto dheer u sharraxay ujeeddada laga leeyahay xarunta cusub ee lagu ururinayo raad-raaca taariikhda dalka, waxana uu sheegay in goobtani tahay xarun lagu ururin doono hiddaha soo jireenka ah ee  ummadda iyo taariikhda faca-weyn ee ay bulshada Somaliland leedahay, isaga oo qaybaha kala duwan ee bulshadana ugu baaqay inay ka qayb-qaataan ururinta agabka kala duwan ee dhinaca hiddaha iyo taariikhda dalkaba.

 

Agaasimaha madxafka qaranka, Dr. Xuseen Saleebaan Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in xaruntani noqon doonto goob lagu sii ururiyo agabka hiddaha iyo taariikhda dalka ee la dhigi doono madxafka qaranka looga dhisayo badhtamaha caasimadda, waxana uu shacabka ugu baaqay inay kusoo tabarrucaan wixii agab ah ee ay hayaan.

 

Wasiirka wasaaradda  Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac oo madasha soo gunaanaday, ayaa si isku mid ah u sheegay in ururinta taariikhda ummaddu ka mid tahay jiritaanka bulshada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay si dhab ah u taageeri doonaan hawsha ururinta agabka hiddaha iyo taariikhda dalka ee uu qaranku gudo galay.

Wa-bilaahi Tawfiiq