Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Safaaradda Somaliland Ee Uk Oo Gaadhi Caafimaad Oo Casri Ah Iyo Mid Kale Ku Wareejisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

0
382

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Safaaradda Somaliland Ee Uk Oo Gaadhi Caafimaad Oo Casri Ah Iyo Mid Kale Ku Wareejisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Hargeysa-20-06-2021-(MT-JSL)-Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdilaahi, ayaa si wada-jir ah maanta masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka ugu wareejiyey Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) oo loogu talo galay in lagaga hawlgalo goobaha ka durugsan magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo gaadhi kale oo xaajiyad ah oo jiidaya, kaas oo uu madaxweynaha qaranku ugu deeqay wasaaradda Caafimaadka.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdilaahi, ayaa ugu horrayn wareejiyey Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) oo agabkiisii u dhammaystiran yahay, waxana ay madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku ladhay Gaadhi xaajiyad ah oo cusub oo uu madaxweynuhu ku deeqay, kaas oo jiidi doona Shaybaadhka casriga ah oo ah nooca taayirrada leh ee loogu talo galay in meelaha magaalooyinka ka baxsan lagaga adeego.

Munaasibadda wareejinta Agabka casriga ah ee shaybaadhka iyo gaadhiga jiidaya oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, Agaasimaha guud ee Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambasaddor Cabdi Cabdilaahi, Agaasimaha waaxda qurbejoogta ee wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Sacad Maxamed Cabdi Geddo, agaasimaha Laybareeriga qaranka, Mudane Axmed Daahir iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo madaxweynaha qaranka iyo cid kasta oo ka qaybgashay deeqdaas muhiimka u ah daryeelka caafimaadka muwaadiniinta oo ay ugu horreeyaan qurbjoogta iyo qaar kamid ah safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka dibadda.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdilaahi, ayaa fureyaasha gaadiidka ku wareejiyey masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee madasha goob-joogga ku ahaa, kuwaas oo si rasmi ah ula wareegay gaadiidkaas iyo agabka shaybaadhka casriga ah ee la socda.


Wa-bilaahi Tawfiiq