𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Danjiraha Dalka Switzerland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nairobi. Danjire Mirko Giulietti iyo weftigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida mandaqadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha iyo weftigiisa uga mahad naqay booqashada ay ku yimideen Somaliland, isaga oo uga xog warramay talaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay Xukuumadda cusubi qaaday, gaar ahaan adkaynta Nabadda iyo wada noolaanshaha bulshooyinka Gobollada Bariga Somaliland iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii, iyada oo haba yaraatee aanay jirin cid Somaliland ka gacan siisay.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Switzerland u xaqiijiyey sida ay Somaliland uga go’an tahay adkaynta amniga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, Dawlad-Wanaagga, ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah.
Danjiraha Switzerland waxa uu ballan-qaaday in uu Dawladdiisa u soo jeedin doono sidii Somaliland looga taageeri lahaa dedaallada ay ugu jirto nabadaynta.
Danjiraha dalka Switzerland waxa uu bogaadiyay nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka jira Somaliland, iyada oo ku taalla mandaqad ay ka jiraan colaado. Danjiruhu waxa uu muujiyay in ay soo dhawaynayaan in wada hadal nabadeed lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝




