Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo si diiran Loogu soo dhaweeyey Ceerigaabo + Sawiro

0
405
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo si diiran Loogu soo dhaweeyey Ceerigaabo.
Ceerigaabo-12-06-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka safar shaqo kaga soo ambo baxay caasimadda Hargeysa, ayaa goor dhaweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo ee caasimadda gobolka Sanaag.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin guddoomiyeyaasha labada aqal ee guurtida iyo wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale, ayaa waxa garoonka kusoo dhaweeyey, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxda gobolka, kuwa degmada, salaadiinta, cuqaasha iyo haldoorka gobolka, kuwaas oo madaxweynaha kusoo dhaweeyeen calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan.
Intaas kaddib, madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxa ay socod kusoo mareen jidadka waaweyn ee magaalada, waxana halkaas iyaga oo safaf ku jira kusoo dhaweeyey shacabka reer Ceerigaabo oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalka shaqo ee madaxweynaha iyo weftigu ugu yimaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray xarunta madaxtooyada cusub ee laga bineeyey duleedka magaalada, taas oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka, islamarkaana dhammaystiraysa imkaaniyaadkii dawladnimo ee gobolka.
Salaadiinta, waxgaradka iyo waayeelka reer Sanaag ee madaxweynaha kusoo dhaweeyey magaalada, ayuu madaxweynuhu qaddar mahadnaq ah kula qaatay xarunta cusub ee madaxtooyada, waxana ugu horrayn halkaas kelmedo mahadnaq ah ka jeediyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Axmed Cabdi Muuse iyo guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur.
Madaxweynaha ayaa dhinaciisa, waxgaradka, waayeelka, salaadiinta iyo maamulka gobolkaba ugaga mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee ay usoo dhaweeyeen, isaga oo ku dheeraaday taariikhda waafiga ah ee gobolkani leeyahay iyo sida uu uga mudanta u yahay, waxana uu yidhi, “Waxa maanta farxad iyo Sharaf noo ah Ilaahayna ugu mahadnaqaynaa inaynu nabad isugu nimi xaruntii gobolka Taariikhda, Gobolkii Awoowayaasha, Gobolkii Udugga, waxana aan aaminsanahay inuu mudan yahay inay dawladdu maanta halkan wada joogto, waayo marka la eego dhul ahaan gobolka Sanaag wuxuu Jamhuuriyadda Somaliland ka yahay bogolkiiba Soddon iyo dheeraad.”
Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Ceerigaabo, ayaa kulamo kala duwan la yeelan doon waxgaradka, haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada muddada ay halkan ku sugan yihiin.
Wa-bilaahi Tawfiiq