Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftiga Uu Hoggaaminayo Oo Ay Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuuseen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iyo Maaliyadda Ee Dawladda Federal-Ka Itoobiya + Sawiro

0
657

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftiga Uu Hoggaaminayo Oo Ay Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuuseen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iyo Maaliyadda Ee Dawladda Federal-Ka Itoobiya

 

Addis-ababa-21-02-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa hadhimo-sharafeed ku casuumay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide.

 

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah  ee wehelinaya, ayaa waxa kulanka hadhimo-sharafeedka ah ee ay la qaateen wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda ee dalkaas Itoobiya oo ay wehelinayaan Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Dalka Somaliland, Mudane Shamsudiin Axmed Rooble iyo diblomaasiyiin ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya waxa ay ku wadaageen is xog-waraysi iyo kaftan muddo qaatay.

Dhammaad