Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaamimayey oo lagu soo dhaweeyey Caasimada Dawlad Deegaanka Somalida ee Jig-jiga.

0
68
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaamimayey oo lagu soo dhaweeyey Caasimada Dawlad Deegaanka Somalida ee Jig-jiga
Jig-jiga-03-01-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaamimayey oo ku guda jira Safarkii shaqo ee Dalka Ethiopia ayaa soo gaadhay Magaaladda Jig-jiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.
 
Waxaana Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaarka diyaaradaha ee Garaad Wilwaal ku soo dhaweeyey weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida,Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo madaxda kala duwan ee dawlad deegaanka.