Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo dalka kusoo laabtay, shacabkana  uga warramay guulaha safarkii Taariikhiga ahaa ee uu ku tegay dalka Ethiopia.

0
68

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo dalka kusoo laabtay, shacabkana  uga warramay guulaha safarkii Taariikhiga ahaa ee uu ku tegay dalka Ethiopia.

 

Hargeysa-04-1-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa dalka kusoo guryo noqday, waxana si ballaadhan soo dhaweyntiisa ugu soo baxay kumannaan ka tirsan shacanka ku dhaqan caasimadda, kuwaas oo taxnaa dariiqa weyn ee isku xidha madaarka Cigaal iyo madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kumannaan shacabka caasimadda ah oo ah oo ay hoggaaminayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka golaha deegaanka Hargeysa, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka iyo madax-dhaqameed  kala duwan oo ku lebbisan Astaan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweeyey, waxana uu madaxweynuhu shacabka kala hadlay goob fagaare ah oo ku taalla Afaafka hore ee madaarka Cigaal International Airport, isaga oo si qoto dheer uga xog warramay guulo taariikhi ah oo uu kasoo hooyey socdaalkiisa.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka sheekeeyey guulaha ka dhashay heshiiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku helayo aqoonsiga ee uu la galay dawladda Federal-ka Ethiopia iyo guulaha ay Somaliland ka dheefayso, waxana uu deedafeeyey dhawaaqyada heshiiskaas lagu dibin-daabyeynayo ee kasoo Baxaya madaxda Soomaaliya.

 

Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn ka hadlay nooca heshiiska uu labada dawladood galeen oo ah mid labada dhinac danahooda ka dhex arkeen, loona raacayo xeerarka iyo Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamka, “Heshiiska la galay waa mid loo marayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u oggol yahayna waa la marayaa, wuxuu reebayna waa la reebayaa, saldhigga heshiiskuna waa Dastuurka, dawladda Somaliland iyo Ethiopia na way Shireen, waxana ay isu sheegteen dano mid waliba uu u baahan yahay inuu ka kale wax kala qabto,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay in heshiisku tilmaamayo inay Ethiopia noqoto dalka ugu horreeya ee Somaliland dawladnimadeeda ictiraafa, Ethiopia-na kiraysan doonto goobo Somaliland ah oo cabbirkoodu sugan yahay, loona raacayo qawaaniinta caalamka ee la isla yaqaanno, waxana uu yidhi,“Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia waxa ay ku heshiiyeen inay Ethiopia hesho dhul kiro ah oo cabbirkiisa laga heshiiyey, sharciga caalamka ee dhulalka iyo saldhigyada adduunka lagu kala kiraysto loo maro, Ethiopia na waxa ay heshiiska ku saxeexaysaa inay noqoto dawladda ugu horraysa caalamka  ee Somaliland ictiraafta, isku goob baana labadaa lagu kala saxeexanayaa, marka sharciyadda dalka loo dhammeeyo ee ta Dastuurkeenna iyo xeerarkeenna loo dhammeeyo, ta caalamkana la waafajiyo.”

 

Madaxweynuhu waxa uu Meesha ka saaray hadallada Beenta ah ee cadowga Somaliland ee cadowga Somaliland faafinayo ee lagu sheegayo in dhul Somaliland leedahay laga iibiyey Ethiopia,“Dhulka Somaliland lama Iibinkaro, madaxweyne na ma iibin karo, warkaasina waa ka cadowga, awooddaasna aniga iyo madaxweynaha soo socdaana ma laha, manay dhicin, dhicina  mayso.”

 

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxda Soomaaliya u diray farriin adag oo la xidhiidha inay ka waantoobaan carqaladaynta horumarka Somaliland iyo guulaha ay gaadhay, kana hadhaan dacaayadaha heshiiska ay Somaliland ictiraafka ku heshay ee ay la gashay dalka Ethiopia.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka reer Somaliland usoo jeediyey inay qarankooda garab istaagaan, wada-jirna uga hawl galaan sidii heshiiskaas qaranka muhiimka u ahi u hirgeli lahaa, una midoobaan danta guud ee qaranka.

 

 

Dhinaca kale, waxa gudaha qasriga madaxtooyada lagu qabtay munaasibad kooban oo lagu soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana halkaas ka hadlay xubnaha qaranka ugu sarreeya ee ay kamid yihiin madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, kuwaas oo soo dhaweeyey heshiiska taariikhiga ah ee Somaliland gashay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas khudbad kooban ka jeediyey, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo m asuuliyiinta qarankaba uga mahadnaqay sida miglaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu hoos ka xarriiqay in heshiiska dawladdu la gashay Ethiopia yahay kii ugu muhiimsanaa ee abid qarankani galo, maaddaama oo uu qarankani markii ugu horraysay helayo aqoonsi caalami ah.

Wa-bilaahi Tawfiiq