Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo wareegto madaxweyne ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran

0
966
Hargeysa(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED: 06/10/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Wareegto Madaxweyne
 
Magacaabid
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
 
Markaan Dersay: Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;
 
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
 
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
 
Markaan Sameeyey: La-tashi;
 
 
Waxaan Go’aamiyey;
 
In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL