Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo wareegto madaxweyne  ku magacaabay guddi aas qaran oo ka kooban siddeed xubnood

0
510
WAREEGTO MADAXWEYNE: 18/11/2020
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/MG/083-586/112020, uu ku magacaabay guddi aas qaran oo ka kooban siddeed xubnood.
 
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Wareegto Madaxweyne
 
Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa
 
 
Ujeeddo: Magacaabid Guddi Aas Qaran
 
Mudanayaal,
 
Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ahaa aqoonyahan weyn iyo siyaasi rug-caddaa ah, isla markaana Xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland kula loolamay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir-weynihii Boorama 1993, sidoo kale xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay Xilka Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay Jamhuuriyaddii duntay ee labada dal ku midoobeen ee Somali Republic.
 
Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddiga Diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.