Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Bulshada U Diray Farriimo La Xidhiidha Doorashada Iyo Sidii Loo Dooran Lahaa Dad Xilkas Ah

0
346

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Bulshada U Diray Farriimo La Xidhiidha Doorashada Iyo Sidii Loo Dooran Lahaa Dad Xilkas Ah

 

Hargeysa-11-01-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaasaasiyadda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee dhawaan qorshaysani ka dhex abuureen bulshada dhexdeeda iyo sida ay shacabka waajib ugu tahay inay fursadda doorashada ee gacantooda soo gashay ka faa’iidaystaan, codkoodana siiyaan dad xilkas ah dantooda iyo ta qarankaba ka shaqeeya.

 

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibad uu maanta xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo ay leedahay hay’adda dhawrista tayadu, ayaa shacabka kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadda Dastuuriga ah ee loo siiyey inay gacantooda kusoo doortaan ciddii ku meteli lahayd doorashooyinka dhawaan bilaabmaya, si ay uga dheeraadaan qoomammo dambe oo aan waxba tari doonin,“Haddii lagu yidhaahdo xafiiskan cidda ugu wanaagsan, ayaa la dooranayaa oo shacabkii loo dhiibay oo la yidhi Dastuurku wuxuu yidhi dadka codkooda ayaa dalka xukuma oo iyagaa leh awoodda, laba is qaban maayaan, in doorashadii awooddeeda gacantaada la siiyey oo lagu yidhi dooro iyo inaad laba bilood kabacdi tidhaahdid shalay bay dhaantay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u caddeeyey in saluug kasta oo ka yimaadda mudaneyaasha kusoo bixi doona goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ay shacabku yeelan doonaan oo aanay jiri doonin cid kale oo lagu canaantaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qof kasta oo muwaaddin ah waxan leeyahay waxa wanaagsan dooro, qofkii maanta lagu yidhi wax dooro lagaama sugayo inaan berri calaacasho oo aad tidhaahdo kuwii horaa dhaamay, kuwii horena wixii ay qabteena way qabteen, qof kasta oo xafiis qabtaana dhaliil wuu leeyahay, nin walibana wuu dedaalay, ninkii dhaliilayowna maantay joogtaaye mid ka wanaagsan soo dooro, taasna waxan leeyahay dadka codka bixinaya, haddaad dooran weydo cidda timaadda ha canaanan, wax wanaagsanna ha doonin, cid kalena eeddaas ma laha, xisbina ha canaanan, dawladna ha canaanane adigaaba laguu dhiibaye qofka ugu wanaagsan ee xafiis kuu qabanaya keen.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay doorashadu bulshada u kala qaybisay lab iyo dheddig, islamarkaana meesha laga saaray xuquuqdii haweenku u lahaayeen inay isu soo taagaan doorashooyinka soo socda,  isaga oo shacabka ugu baaqay inay haweenka kaalintooda ka siiyaan doorashooyinka soo socda. waxana uu bulshada iyo murrashaxiinta hungurigu hayoba uga digay khasaaraha dhaqaale iyo midka waqti ee ay doorashooyinku leeyihiin, loogana baahan yahay inay si miyir qabta oo cilmi ku dhisan u  maamulaan hawlaha doorashooyinka.

Wa-bilaahi Tawfiiq